![]() Calool-yowga Iyo Hun-gowga Siddeed Uga Bixi Kartaa!!
Dhibku Waa Arrin Wax-tarkiisa Leh Marka Layska Taago Dhanka Biology-ga Waana Qaabka Ay Waayuhu
Inoogu Booriyaan In Aynu Isbadel Iyo Horumar Samayno.
Jinsigeena aadamahu waxa aynu badanka la nool nahay dhinaanshiyo inagaga jira dhanka raali ahaanshiyaha iyo dhanka amaankaba. Sababtu, waa in raalli ahaanshaha nooluhu dareemayaa kala dhantaalan yahay amaanka uu haystaana aanu sugnayn.
Halkaas oo uu u bixiyo dedaal dheeri ah oo u horseeda inuu sii jiro muddana noolaado. Iyo in uu marba marka ka danbeeya isbeddel iyo horumar sameeyo, isaga oo ka dhexgoobaya raalli ahaanshiiyo in uu dareemo.
Innagu jaadkaas ayaynnu u samaysan nahay. Waxa aynnu u abuuran nahay qaab aynaan marnaba raalli ahaanshiyo buuxa ku dareemayn waxa aynnu fallnay.
Sidoo kale; way ina dhibaysaa haddii hawsha aynnu u hollanno aynnu ka dhabayn weyno.
Magnaanshiiyahaas aynnu tebaynno raalli ahaansheheennu in uu kala dhantaalan yahay, waa arrinka i noo horseeda in aynnu loollan joogto ah ku jirno oo aynnu waayaha la labanlegdoonno, aynnuna badanaa ku guulaysanna in aynnu sii jirno, wax dhisanno, dhulkana aynnu ku baahno oo aynnu qabsanno.
Waxa halkaas inooga iftiimaysa , in dhibtoodkeenna lyo kadeedka aynnu mutaysanaynaa, aanay ahayn dhallil iyo ceeb inagu shaanbadaysan oo Aadamaha horumarkooda jalaafo ku ah, ee ay ka mid yihiin waxyaabaha muujiya aadamaha Aadamtinimadiisa. Iyo sidoo kale muga iyo maamuuska uu nolashan ku yeelanayo.
Dhibtuna jaad kasta iyo caynad walba oo uu yahayba waa hanaanka ugu togan ee jidhkeena ku guula inuu waxqabad yeesho oo uu ficilloonaado.
WQ Abdinasir Mohamed Ismail.
Qumannews.net.
Har/Office.
Isha Ku Hay Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net Goor Kasta Iyo Goob Kasta Oo Aad Joogto Ama Ku Sugan Tahay. Leave a comment |
|
Copyright © 2013 - 2025 Quman News All Rights Reserved. - Site Designed & Developed by Ileys Inc |
Calool-yowga Iyo Hun-gowga Siddeed Uga Bixi Kartaa!!
Dhibku Waa Arrin Wax-tarkiisa Leh Marka Layska Taago Dhanka Biology-ga Waana Qaabka Ay Waayuhu