SOMALILAND: Taariikh-Nololeedkii Alle Ha U Naxariistee Aqoonyahan Maxamed Daahir Xandulle (1951-2022)!.

0
Sunday September 18, 2022 - 00:45:30 in by Super Admin
  • Visits: 302
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SOMALILAND: Taariikh-Nololeedkii Alle Ha U Naxariistee Aqoonyahan Maxamed Daahir Xandulle (1951-2022)!.

    Hargeysa (QMN)- Alle ha u ha u naxariiste Marxuum Maxamed Daahir Xandulle ayaa ku Geeriyoodday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (QMN)- Alle ha u ha u naxariiste Marxuum Maxamed Daahir Xandulle ayaa ku Geeriyoodday
 11 September 2022 Cusbitaalka Gargaar ee magaalada Hargeysa, kadib markii uu muddooyinkii ugu danbeeyey bukaan jiif ku ahaa halkaasi. 

Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net, Waxay Halkan Idiinku Soo Gudbinaysaa Taariikh-nololeedkii iyo Doorkii barbaarineed ee Aqoonyahan Xandulle oo kooban. 

Alle ha u naxariiste, Marxuum Maxamed Daahir Xandulle waxa uu dhashay sannadkii 1951-kii Oodweyne,waxa uu waxbarashadiisi hoose dhexe dhigtay Dugsiga Biyo-DHACAY ee Magaalada Hargeysa, waxaanu Dugsigiisi sare ka baxay Dugsiga XAAXI Secondary School, waxa uu markaa uga sii gudbay oo uu galay Dugsigii Tabbabarka Macalinimo ee CEEL-JAALLE, Kadib waxa uu macalin ka noqday Dugsigii BALAD-XAAWO ee Shabeelaha Hoose, waxa kale oo uu macalin ka noqday Garbahaaray sannadkii 1974-kii, Sidoo Kale waxa uu maamule ka noqday Dugsigii sare e Baydhabo sannadkii 1975-kii, waxa kale oo uu noqday Guddoomiyihii waxbarashada ee Gobolka GEDO sannadkii 1976-kii, waxa kale oo uu noqday Guddoomiyaha waxbarashada ee SHABEELE Sannadkii 1978-kii, Sidoo kale waxa uu noqday Guddoomiyihii waxbarashada ee MARKA-CADDEY Sannadkii 1981-kii. Waxa kale oo uu mar labaad noqday Guddoomiyihii Waxbarashada SHABEELE Sannadkii 1982-kii, Sidoo Kale waxa uu noqday sannadkii 1984-kii Guddoomiyihii waxbarashada ee Kurtuwaaray. 

Alle ha u naxariiste Marxuum Maxmed Daahir Xandulle waxa uu noqday sannadkii 1986-kii Guddoomiyihii waxbarashada ee GABILEY. Sannadkii 1988-kii waxa uu noqday Marxuumku madaxa kormeerka guud ee Gobolada galbeedka Boorame iyo GABILEY. 

Markii dagaalkii ka dhacay Somaliland sannadkii 1988-kii ee la qaxay waxa uu ganacsi ka bilaabay Magaalada HARTA-SHEEKHA ee Ethiopia. 

Sannadkii 1991-kii markii dalka dib loogu soo noqday waxa uu ka mid ahaa foolaadkii dhidibada u taagay Wasaarada Waxbarashada Somaliland iyo weliba sidii dhalinyaradu u heli lahayd waxbarasho, waxaanu ka noqday Wasaarada Waxbarashada Somaliland Agaasimihii Waaxda Kormeerka guud. 

Alle ha u naxariiste Marxuum Maxamed Daahir Xandulle waxa uu dalka kaga tagay lix Caruura oo kala ah shan Wiil iyo Gabadh.

Qumannews.net.
Har/Office.

Isha Ku Hay Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net Goor Kasta Iyo Goob Kasta Oo Aad Joogto Ama Ku Sugan Tahay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured