"Xisbiyadda Lagama Rabo Is-diwaan-gelin Ee War-bixin Iyo Dhukumentiyo (Waraaqo) Ayay Kala Qaataan Xisbiyadda Iyo Guddidu" Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI Khadar Xuseen Cabdi.

0
Monday September 19, 2022 - 12:20:55 in by Super Admin
  • Visits: 503
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Xisbiyadda Lagama Rabo Is-diwaan-gelin Ee War-bixin Iyo Dhukumentiyo (Waraaqo) Ayay Kala Qaataan Xisbiyadda Iyo Guddidu" Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI Khadar Xuseen Cabdi.

    Hargeysa (QMN)- Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI, Ayaa U Gudbiyey War-bixin Iyo Dhukumentiyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (QMN)- Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI, Ayaa U Gudbiyey War-bixin Iyo Dhukumentiyo
 (Waraaqo) Guddida Diiwaan-galinta Ururadda Iyo Asxaabta Siyaasadda Sidda Uu Jiddaynayo Xeer Lr 14/2011.

War-bixinta Iyo Dhukumentiyadda (Waraaqaha) Uu Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI U Gudbiyey Guddida Diiwaan-galinta Ururadda Iyo Asxaabta Siyaasadda, Ayaa Waxa Sharaxaad Ka Bixiyey Xoghayaha Guud Ee Xisbiga WADDANI Md Khaddar Xuseen Cabdi, Waxaanu Yidhi Xoghaye Khaddar Xuseen Cabdi "Farriinta cad ee aan taageerayaasha Xisbiga WADDANI u sheegaya waxa weeye; wixii uu sharcigu naga rabo Haddii aanu Xisbiga WADDANI nahay ee la xidhiidha la shaqaynta Ha'yaddaha Qaranka haddii ay Komishanka Doorashooyinka tahay iyo haddii ay Guddida Ururadda iyo Asxaabta Qaranka tahay waan la shaqaynayna.

Ma jirto, sharci ay ku qoran tahayna ma jiro wax la yidhaahdo is diwaangelin, Xisbiyadda lagama rabo is diwaangelin ee warbixin iyo dhukumentiyo(Waraaqo) ayay kala qaataan Xisbiyadda iyo Guddidu waana sanad leh mararka qaar mararka shirweyneyaasha iyo shirarka Golaha Dhexe la qabtana waa sidaas oo kale.

Gudbinta waraaqahaasi macnaheedu maaha waa la is fahmay ama khilaaf baa Dhammaadday, doorashada ugu soo horaysa ee aynu u diyaar garoobayna waa Doorashadda Madaxtooyadda, Doorasho qasab ah oo sanka la inaga gelin karaana ma jirto taas oo aan sharcigeedii samaysnayn oo aan qawaaniinta waddanka ku ool" Ayuu Yidhi Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI Khadar Xuseen Cabdi.

Tifaftire Khaddar Ali Khum "Shiine"  
Qumannews.net.
Har/Office.

Isha Ku Hay Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net Goor Kasta Iyo Goob Kasta Oo Aad Joogto Ama Ku Sugan Tahay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured