Musharax Madaxweyne Dr Cabdiraxmaan Cirro Oo Dhambaal Hambalyo Ah U Diray Golaha Wakiiladda Ee JSL Oo Isku Sidkay Labadda Doorasho Ee Ururadda Iyo Madaxtooyadda.

0
Monday September 19, 2022 - 18:03:27 in by Super Admin
  • Visits: 258
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Musharax Madaxweyne Dr Cabdiraxmaan Cirro Oo Dhambaal Hambalyo Ah U Diray Golaha Wakiiladda Ee JSL Oo Isku Sidkay Labadda Doorasho Ee Ururadda Iyo Madaxtooyadda.

    Hargeysa (QMN)- Musharaxa Jagadda Madaxweynaha Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (QMN)- Musharaxa Jagadda Madaxweynaha Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI
 Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), Ayaa Dhambaal Hambalyo Ah U Diray Dhammaan-ba Xildhibaannadda Golaha Wakiiladda Ee JSL Oo Maanta Isku Sidkay Labadda Doorasho Ee Ururadda Iyo Madaxtooyadda.

Dr Cabdiraxmaan Cirro, Ayaa Xusay Inay Golaha Wakiiladdu Dalka Ka Badbaaddiyeen Burbur, Isla-markaana Ay Waajibaadkood Xeer Dajinneed Gud-teen.

Musharax Madaxweyne Dr Cabdiraxmaan Cirro Oo Siddan Ku Sheegay Qoraal Uu Ku Baahiyey Bartiisa Gaarka Ah Ee Facebookga, Waxaanu Ku Yidhi "Waxa aan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Mudanayaasha Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland (Xeer-dajiyayaal) oo maanta si ay Qarankeenna uga badbaadiyaan khilaaf siyaasi ah, iyo mid Dastuuri ahba ansixiyey in la isku sidko Doorashadda Madaxtooyadda JSL iyo Doorashadda Ururrada Siyaasadda/Xisbiyadda Qaranka isla markaana qabyo tiray Xeerarkii Doorashooyinka khuseeyey oo dhan.

Golaha Wakiiladdu waxa ay maanta soo afjareen marmarsiyihii Sharci ee Doorasho diidku dalkan ay ka Waddeen. Hambalyo mar labaad".

Tifaftire Khaddar Ali Khum "Shiine"  
Qumannews.net.
Har/Office.

Isha Ku Hay Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net Goor Kasta Iyo Goob Kasta Oo Aad Joogto Ama Ku Sugan Tahay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured