"Waxaanu Maanta Guddida Diiwaan-galinta Ururadda Iyo Asxaabta Siyaasadda U Gudbinay" Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan.

0
Monday September 19, 2022 - 18:42:43 in by Super Admin
  • Visits: 226
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Waxaanu Maanta Guddida Diiwaan-galinta Ururadda Iyo Asxaabta Siyaasadda U Gudbinay" Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan.

    Hargeysa (QMN)- Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Muddane Xirsi Cali Xaaji Xasan, Ayaa Sheegay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (QMN)- Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Muddane Xirsi Cali Xaaji Xasan, Ayaa Sheegay
 Inay Maanta U Gudbiyeen Guddida Diiwaan-galinta Ururadda Iyo Asxaabta Siyaasadda War-bixintii Shirweynihii ugu danbeeyay ee Xisbiga WADDANI, War-bixinta xubnaha Golaha Dhexe, War-bixinta xubnaha Fulinta Iyo War-bixinta Xafiisyadda Xisbiga.

Siddan Wuxu Guddoomiye Xirsi Cali Xaaji Xasan Ku Sheegay Qoraal Ku Baahiyey Bartiisa Gaarka Ah Ee Facebookga, Waxaanu Yidhi Waxa aannu maanta gudbinnay War-bixinaha kala ah:

1. War-bixintii Shirweynihii ugu danbeeyay ee Xisbiga WADDANI.

2. War-bixinta Xubnaha Golaha Dhexe.

3. War-bixinta Xubnaha Fulinta.

4. War-bixinta Xafiisyadda Xisbiga.

Dhammaan War-bixinahan oo ay la socdeen, goobjoogna ka ahayeen guddigii hore, Isla-markaana aannu hore ugu gudbinnay ayay na soo waydiiyeen Guddida diwaangelinta ee cusub.

Xisbiyadda Qaranku waa Xisbiyo Qaran, mana jirto meel sharcigu ku sheegay in looga baahan yahay in la diwaangeliyo, Doorashadda Madaxtooyadda ayaana ah ta ugu soo horraysa Doorashooyinka, waanan u diyaargarownay, Xisbi ahaan.

Xisbiga WADDANI wuxu soo dhaweynayaa soojeedintii ganacsatada ee maanta Baarlamaanku ansixiyay (Xeerarka Doorashooyinka ee maanta la ansixiyay ee ah in labada doorasho ka isa saaro).

Mar walba, waxa aannu diyaar u nahay in aannu dhawrno wixii Ummaddu ku heshiiso ee la isku raaco, ilaalinno na Hannaanka Doorashooyinka iyo dimuquraadiyadda.
Sharciga ayaa inoo ballan ah" Ayuu Yidhi Guddoomiye Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Tifaftire Khaddar Ali Khum "Shiine"  
Qumannews.net.
Har/Office.

Isha Ku Hay Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net Goor Kasta Iyo Goob Kasta Oo Aad Joogto Ama Ku Sugan Tahay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured