"Xaabsadde Ilaa Guddoomiye Khaliif: Helidda "Somaliland La Wadda Leeyahay Iyo Hal Mar Hore La Il-duufay"/ Qalinkii Xamse Khayre.

0
Wednesday September 21, 2022 - 23:35:05 in by Super Admin
  • Visits: 460
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Xaabsadde Ilaa Guddoomiye Khaliif: Helidda "Somaliland La Wadda Leeyahay Iyo Hal Mar Hore La Il-duufay"/ Qalinkii Xamse Khayre.

    Shirka Berbera ka socda ee Xildhibaannadda aanu isku deegaanka nahay, Wax-garadka kale iyo Madaxwaynaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirka Berbera ka socda ee Xildhibaannadda aanu isku deegaanka nahay, Wax-garadka kale iyo Madaxwaynaha
 anigoo ixtiraam iyo sharafba u haya, kuna kalsoon mar walba in aanay waddin wax dalka iyo dadka ka dhan ah, waxaan xasuusinayaa in talo mar hore la seegay  oo ilaa maanta Somaliland ay u socon la' dahay in aanay mar kale marnaba,  si toos iyo si dadban, aanay idiin seegin.

Talabadaas berigaa hore (1997) oo ahayd in Guddoomiyihii Golaha Wakiiladda ee Axmed Cabdi Xaabsade oo ay MW Maxamed X. Ibrahim Cigaal isku maan-dhaafeen siyaasada lagu qaaday guluf siyaasadeed oo Xilkii Guddoomiyenimo laga qaaday taas oo keentay in ay  Beesha Harti oo uu hogaaminayo Garaad Cabdiqani ay ka dhaqaaqeen ka mid ahaanshihii Somaliland taas oo ilaa maanta ay ku maqan yihiin. Ka tegistii ay Somaliland ka tageen Beeshaasi lama mahaddin (ugu yaraan Somaliland ma mahadin), waxaa se lagu doodi karaa waxaa ka faaiiday dadkii ku noolaa goboladii dhexe ee Somaliya ku noolaa kadib markii Garaadka iyo waxgaradkii u hogaaminayay ay u guntadeen dhismaha iyo ka midha dhalinta Dawladda Puntland oo dhamaystirantay Sannad kadib markii ay ka huleeleen Somaliland  ama 1998. 

Haddaba haddii ay taladdiina, si uun, uga mid noqoto  in Gudoomiyaha hadda ee  Golaha Wakiilada Somaliland  Mudane Cabdirisaaq Khaliif lagu qaado duulaan Xilka lagaga qaadayo waxaad ku suntanaan doontaan inaad mar kale sabab u noqoteen luminta fursadii u dambaysay ee dib loogu heli lahaa "Somaliland la wada leeyahay" ama inaad sixidii qaladkii hore aad ka noqoteen.  Maalintii uu xilka la wareegay Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif wuxuu yidhi "..Waxaan noqon doonaa BIRIISH loo maro soo-dabaalidda iyo daawaynta tabashooyinka u dhexeeya deegaankayga iyo Somaliland". Waxaan rejaynayaa in xafiiltan siyaasadeed oo gudaheena ahi aanu keenin in aad isku-daydaan in la gooyo BIRIISHKAA isaga ah taas oo ugu dambaynta noqon doonta nabbar aan daawo lahayn oo Somaliland u dhiman karto.

 Waan hubaa in madaxwaynuhu dhacdadaa hore u soo-joogay oo cid walba uga xog-ogaalsan yahay   cawaaqib xumadac ka dhalatay. Waxaan kalevoo aan  hubaa in isagu  aanu diyaar u ahayn inuu dhankaa u kaco waayo isaga ayaaba aaminsanaa kana shaqaynaynay in hogaaminta Golahaa laga shaqeeyo in dib uu ugu noqdo beesha Harti/Dhul-ba-hante oo saami awood qaybsi u lahayd balse ilaa Xaabsade ku maqnaa beesha dhexe. Sidaas oo ay tahay, waxaan ka cabsaday in xaga Xildhibaanada oo isugu jira rag dhalinyaro ah ama aan xog-ogaal u ahayn taariikhda iney ku riixaan MW jiho qaldan.

Hadda midna ogaada, maaha inaan u cabsanayo in  Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif aanu haysan taageero ku filan. Xaasha! Is-bahaysiga Mucaaridku waa kii shalay saaray maantana ku filan inuu difaaco Guddoomiyaha. Waxaa waliba xaqiiq ah in aqlabiyada Xildhibaannadda Muxaafidka ahi guud ahaan iyo gaar ahaan kuwa ku abtirsada Ururka KAAH iyo bariga Burcaba aanay hawl  ka dhan ah Guddoonka Golaha Wakiiladda aanay qayb ka noqonayn. Sidaa markay tahay maxaa in isku-deegaan ah, oo waliba MW la deegaan ah, horena il-duufkaasi uga dhacay ku kelifaya iney mar kale hantaaqaan Qaran, waa Somaliland'e,  ay dhismihiisa door wayn ku lahaayeen.

Intaa haddaan kaga hadho taladdaydii tolka ku socotay,  aan kor u yara baxo,  oo hal idhaahdo iyana Xildhibaannadda Beesha dhexe. Tiradda Guddoomiyaha Golaha Guurtidda lagaga qaadi karo Xilka Guddoomiyenimo waa 55 ama 2/3 xubnaha Golaha Guurtidda. Guddoomiyaha Guurtiddu wuxuu ka soo-jeeda beesha dhexe. Sidaa markay tahay siddee bay Xildhibaannadda beesha dhexe ugu fikiri karaan in Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda oo isagu ah beelaha darafyadda iney keenaan mooshin ah " in tiradda Xilka lagaga qaadayo Guddoonka Wakiiladda ay noqoto 42 ama 1/2 Xubnaha Golaha Wakiiladda" . Taasi maxay macnaheedu noqonaysaa? Ma waxa weeyi in Somaliland ay kala xuquuq tahay taasina ay ku xidhan tahay beesha aad tahay? Beelaha kale ee aan bessha dhexe ahayn iyo Guud ahaan "Somaliland la wada leeyahay" in la helo maxay ugu dhigan tahay? 

Ugu dambayn, guud ahaan Xildhibaanada beesha dhexe iyo gaar ahaan beeshayda in aanay qaadin talaabo aanay kuna guulaysanayn isla markaana dhaawici karta wada-jirka iyo xaqiijinta "Somaliland la-wada leeyahay" oo dadkeedu isku xaquuq leeyihin sida distoorku dhigayo. Xisbiga KULMIYE oo aanan khayr badan ku ogayna waxaan leeyahay "Soo baydh" oo iskugu noqo talo dhaajta kala irdhaynta Somaliland dadkeeda.

Allaa Mahad Leh.
Xamse Khayre.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured