"Ciyaarta Golaha Wakiiladda Ka Dhacday Nooceeddu Wuxuu Ahaa "LUDU Vs CHESS" Xildhibaan Axmed-Khaliif Jaamac Saalax.

0
Sunday September 25, 2022 - 02:09:22 in by Super Admin
  • Visits: 405
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Ciyaarta Golaha Wakiiladda Ka Dhacday Nooceeddu Wuxuu Ahaa "LUDU Vs CHESS" Xildhibaan Axmed-Khaliif Jaamac Saalax.

    Hargeysa (QMN)- Xildhibaan Axmed-Khaliif Jaamac Saalax Oo Ka Mid Ah Xildhibaannadda Golaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (QMN)- Xildhibaan Axmed-Khaliif Jaamac Saalax Oo Ka Mid Ah Xildhibaannadda Golaha
 Wakiiladda Ee JSL, Ayaa Ku Sifeeyey Ciyaartii LUDU Vs CHESS Ee Mucaaridka Iyo Mu'xaafidka Ku Dhexmartay Golaha Wakiiladda 19-kii Bishan, Lagu-na Ansixiyey Wax Ka Badelka Iyo Kaabista Labadda Xeer Lr 14/2011 Iyo Xeer 91 Xeerka Guud Ee Doorashooyinka Qaranka Somaliland, Isla-markaana La Isku Sidkay Labadda Doorasho Ee Ururadda Iyo Madaxtooyadda.

Xildhibaan Axmed-Khaliif Jaamac Saalax Oo Ka Hadlaya Nooca Ciyaareed Ee Dhexmaray Xildhibaannadda Golaha Wakiiladda Ee JSL Mucaaridka Iyo Mu'xaafidka, Wuxuu Yidhi Siddan "LUDU Vs CHESS

Sideedaba Siyaasadu Waa Game ama Ciyaar . Team walbana Qaab uu u Ciyaaro ayuu leeyahay , Political Game ka  aad hada arkaysaan ee Golaha Wakiilada Ka Dhacday Waxaan Ku Masaali lahaa  laba Ciyaarood oo kala ah Ciyaarta Laadhuuda iyo Ciyaarta Jesta Looyaqaano.

Qolada Isbaheysiga Mucaaridku Waxay Iyagu Always Ciyaaran Ciyaarta Looyaqaano Jesta .  Dadka Ciyaarta Jesta ah yaqaana way garanayaane  waa ciyaar siyaasadeed oo god kasta iyo shax kasta oo aad guureyso waa mid kudhisan qorshe (Strategic Plan) Mana ciyaari kartid qorshe iyo khidad la,aan , Hadii kale si fudud baa lagaaga badinayaaa, Waana Ciyaar Ubaahan Maskax iyo Deganaan iyo Dulqaad.

Ninka aan Ciyaartaas sida fiican aan aqoon badan ulahayn  waxuu inta badan ku mashquula Leynta Askarta iyo Saraakisha Difaaca ugu jirta ee ilaalinaya Boqorada . laakin Ninka Xariifka ahi Waxuu muujiyaa dulqaad badan ,waxuuna Abuuraa Hal Fursad oo Qaali ah kadibna Jaanis Fiican markuu Helo Ayuu Ciyaarta Gabigeedaba waji kale uyeelaa oo uu Halkaas ku badiyaa. 
Markaas Ninka aan ciyaartaas Fahansaneyni Wuu Ku lumaa. oo wuu ambadaa.

Halka Qolada Xukuumada ee Muxaafidka ah oo garab ka heleysaa qaar kamid ah Ururada aan qaangaadhka ahayn ee ismooday iskuna dhererinaya Xisbiyada waa wayn. Group kaasi Waxay aad Uciyaaraan Ciyaarta Laadhuuda layiraahdo 
Waana ciyaar fudud oo qof walba uu ciyaari karo maadama aanay ahayn ciyaar Strategic plan kudhisan".

Tifaftire Khaddar Ali Khum "Shiine"
Shabakedda Caalamigaa Ee Qumannews.net  
Har/Office. 

Isha Ku Hay Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net Goor Kasta Iyo Goob Kasta Oo Aad Joogto Ama Ku Sugan Tahay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured