![]() Sama-falle Cabdi-maalik Sheekh Muuse Coldoon Oo Si Farxad Leh U Soo Dhaweeyey Milkiilaha Dugsiga Abaarso Iyo Jaamacadda Barwaaqo Oo Qaatay Diinta Islaamka.
Hargeysa (QMN)- Cabdi-maalik Sheekh Muuse Coldoon oo aan Maanta ku Booqday Jeelka Hargeysa
oo aan u Sheegay Warka Sheegaya Inuu Islaamay Jonathan Starr Aasaasihii Dugsiga Abaarso Ayaa Yidhi "Waan Soo dhawaynayaa waanan ku faraxsanahay Warka Sheegaya in Jonathan Starr Qaatay Diinta Islaamka, Waana Ilaahay mahaddii.
Maanta Aniga iyo Isagu-ba Waxa Aanu Noqonaynaa Walaalo Islaam oo kalgacal Iyo Hiil ka Dhexeeyo, Waxa aanu noqonay Laba Qof oo Hal kitaab ka Dhexeeyo Kanna midaysan yoolka laga leeyahay ardayga la Soo Saarayo Nooca Uu Noqon Doonno Mustaqbalka.
Wixii Hadda ka dambeeyana walaalkeen Jonathan Starr Islaamnimaddiisa waa in laga arkaa oo ay ka muuqataa Shabakedda Abaaro ee uu Milkiilaha ka yahay.
Marka ugu horreeya ee aan soo Baxo waxa aan booqan doonaa dugsiga Abaarso, Dugsiga Kaabe Iyo Jaamacadda Barwaaqo Ee Shabakedda Abaarso Isha Allah.
Waxa aan soo jeedinayaa oo ku baaqayaa in walaalkaa cusub la soo dhaweeyo oo la garab istaago oo la tuso waxa ay tahay walaalnimada Islaamku" Ayuu Yidhi Sama-falle Cabdi-maalik Sheekh Muuse Coldoon.
Qorre Cabdiqaadir Cusmaan Dube.
Allahu Akbar.
Sii Share-gareeya Walaal Khayr-ka.
Tifaftire Khaddar Ali Khum "Shiine"
Shabakedda Caalamigaa Ee Qumannews.net
Har/Office.
Isha Ku Hay Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net Goor Kasta Iyo Goob Kasta Oo Aad Joogto Ama Ku Sugan Tahay. Leave a comment |
|
Copyright © 2013 - 2025 Quman News All Rights Reserved. - Site Designed & Developed by Ileys Inc |
Sama-falle Cabdi-maalik Sheekh Muuse Coldoon Oo Si Farxad Leh U Soo Dhaweeyey Milkiilaha Dugsiga Abaarso Iyo Jaamacadda Barwaaqo Oo Qaatay Diinta Islaamka.
Hargeysa (QMN)- Cabdi-maalik Sheekh Muuse Coldoon oo aan Maanta ku Booqday Jeelka Hargeysa