"Xaalku Wuu Cad Yahay" Xildhibaan Axmed Nuur Guruje.

0
Monday September 26, 2022 - 19:39:05 in by Super Admin
  • Visits: 1070
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Xaalku Wuu Cad Yahay" Xildhibaan Axmed Nuur Guruje.

    Hargeysa (QMN)- Xildhibaan Axmed Nuur Guruje Oo Ka Mid Ah Xildhibaannadda Golaha Wakiiladda Ee JSL,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (QMN)- Xildhibaan Axmed Nuur Guruje Oo Ka Mid Ah Xildhibaannadda Golaha Wakiiladda Ee JSL,
 Ayaa Si Weyn U Soo Dhaweeyey Xeerarka Guddoomiyaha Golaha Guurtidda Kartoonka Ku Soo Ridday.

Xildhibaan Guruuje, Ayaa Caddeeyey Doorashadda Kaliya Ee Xeer Ahaan Iyo Dhaqaale Ahaan, Isla-markaana Ay Koomishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland Muddeeyeen Tahay Doorashadda Madaxtooyadda.

Halka Uu Xildhibaan Axmed Nuur Guruje Xusay In Xeerarkii Doorashaddii Ururadda Iyo Asxaabta Siyaasadda Qaranka Guddoomiyaha Golaha Guurtidda Ee JSL Md Saleebaan Maxamuud Aadan Uu Diidday, Isla-markaana Uu Kartoon Kusoo Ridday Oo Uu Yaallo Barxadda U Dhexaysa Labadda Aqal Baarlamaan Ee JSL (Wakiiladda Iyo Guurtidda), Taasoo Macnaheeddu Tahay Inan Loo Baahnayn Doorashadda Ururadda Iyo Asxaabta Siyaasadda Ee Dalka Lagu Dawakhiyey Muddooyinkii U Dambeeyey.

Xildhibaan Axmed Nuur Guruje Oo Siddan Ku Sheegay Qoraal Uu Ku Baahiyey Bartiisa Gaarka Ah Ee Uu Ku Leeyahay Facebookga, Waxaanu Yidhi Xildhibaan Axmed Nuur Guruje Qoraalkiisa Siddan "Xaalku Wuu Cad Yahay

Kol Haddii Koomishanka Doorashooyinku Caddeeyey in Doorashadda Madaxweynaha ay ku qaban karaan Sagaal Bilood. 

Kol Haddii Aan Doorashaddii Ururaddu Xeer Lahayn, xeerkeeddiina kortoon ku jiro. 

Kol Haddii Doorashadda keliya ee xeerle, xiligeeduna mudaysan yahey tahey Doorashadda Madaxtooyadda. 

Xalku Waa cad yahey, waana in Doorashadda Madaxweynaha Ee Koomishanku Soo Jeeddiyey loo Diyaar Garoobo, Doorashadda Ururadda ee kartoonka ku jirtana kartoonkeedda loo Daayo" Ayuu Yidhi Xildhibaan Axmed Nuur Guruje.

Tifaftire Khaddar Ali Khum "Shiine"
Shabakedda Caalamigaa Ee Qumannews.net 
Har/Office. 

Isha Ku Hay Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net Goor Kasta Iyo Goob Kasta Oo Aad Joogto Ama Ku Sugan Tahay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured