Tifaftiraha Guud Ee Shabakedda Wararka Qumannews.net Oo Tacsi Tiiraanyo Leh U Dirayaa Marxuum Cawl Ibrahim Ducaale (Ina Dhan-Cadde) Oo Xalay Ku Geeriyoodday Magaaladda Hargeysa.

0
Monday October 03, 2022 - 20:18:06 in by Super Admin
  • Visits: 469
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tifaftiraha Guud Ee Shabakedda Wararka Qumannews.net Oo Tacsi Tiiraanyo Leh U Dirayaa Marxuum Cawl Ibrahim Ducaale (Ina Dhan-Cadde) Oo Xalay Ku Geeriyoodday Magaaladda Hargeysa.

    Hargeysa (QMN)- Waxaan Halkan Tacsi Tiiraanyo Leh Aan Uga Dirayaa. Anigoo Ku Hadlaya Magacayga,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (QMN)- Waxaan Halkan Tacsi Tiiraanyo Leh Aan Uga Dirayaa. Anigoo Ku Hadlaya Magacayga,
 Kan Qoyskayga, Kan Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net Iyo Shaqaale-weynaha Mareegta Qumannews Ilaahay Ha U Naxariistee Inaabtigay Marxuum Cawl Ibrahim Ducaale Oo Xalay Ku Geeriyoodday Magaaladda Hargeysa, Isla-markaana Maanta Aanu Ku Aasnay Xabaalaha Haleeya Ee Bariga Caasimadda Hargeysa. 

Tacsiddan Waxaan Si Gaar Ah U Gaadhsiinayaa Dhammaan Qoyska Reer Cawl Ibrahim Ducaale, Dhammaan-ba Caruurta Aan Adeerka U Ahay, Xaaskiisa Dumaashidday Iyo Ilmaabtiyaashay Ilma Ibrahim Ducaale Dhan-Cadde Inuu Dhammaanteenba Uu Samir Iyo Iimaan Saadiq Ah Inaga Wadda Siiyo, Walaalkeen Cawl Ibrahim Ducaale-na JANNO FARDOWSA Ka Waraabiyo.

Waxaan Eebbe Uga Baryeyaa Inuu Naxariistiisa JANNO FARDOWSA Ka Waraabiyo Walaalkay Cawl Ibrahim Ducaale. Siddoo Kale Waxaan Tacsi Tiiraanyo Leh U Dirayaa Dhammaan-ba Ehelladdii, Qaraabaddii Iyo Guud Ahaanba Asxaabtii Uu Ka Baxay Marxuumku Inuu Samir Iyo Iimaan Saadiqa ka Siiyo.

Geeridda Walaalkay Cawl Ibrahim Ducaale, Waxay Ahayd Mid Si Gaar Ah Noo Wadda Taabatay Qoys Ahaan, Aadna U Xanuun Badan. Balse Waa Xaq Iyo Jid Aynu Wadda Marayno Oo Lagu Kala Horeynayo.

#Dhammaanteenba Walaalkay Cawl Ibrahim Ducaale, Wuxuu Ahaa Addoon Wanaagsan Cibaaddo Badan Ilaahay Iyo Ummaddiisu-ba Ka Nabad Gashay Aynu U #DUCAYNO Marxuumka Inuu Eebbe Qabriga U Nuuriyo Oo Uu Naxariistiisa JANNO Ka Waraabiyo.

#AAMIIN AAMIIN AAMIIN Yaa Rabbi.

Mr Khaddar Ali Khum Tifaftiraha Guud Ee Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured