"Waan Waayey Nolol Ka MACAAN Tan Guurka Aad ku Qanacsan Tahay Iyo Qofka Aad ku Qalbisan Tahay".

0
Wednesday October 12, 2022 - 02:19:17 in by Super Admin
  • Visits: 71
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Waan Waayey Nolol Ka MACAAN Tan Guurka Aad ku Qanacsan Tahay Iyo Qofka Aad ku Qalbisan Tahay".

    Waan Waayey Raaxo Ka Qaabilsan Caafimaadka.Waan Waayey baryo ka wanaagsan Tan Alle Aad U Gacmo Hoorsato.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waan Waayey Raaxo Ka Qaabilsan Caafimaadka.Waan Waayey baryo ka wanaagsan Tan Alle Aad U Gacmo Hoorsato.

Waan Waayey mugti ka daran kan cidlada iyo ciirsi la'aanta ah.

Waan waayay waqti ka qurxoon kan aad naftaada la qaadato. Waan Waayey dareen ka macaan kan laabtaada ku xasillan. 

Waayay duco ka habboon tan waalidka laga kasbado iyo tan warasada loogu deeqo. 

Waayay maal ka barako badan kan xalaasha ah. Waayay bakheylnimo ka daran ka baahnaashaha hantidaada. 

Waayay kalsooni ka wayn ta aad naftaada ku qabto. Karti ka ballaaran inta aad karto iyo kulmin ka qaalisan kuwa is jecel. 

Waayay daryeelid ka hagaagsan naftaada. Sixid iyo toosin kaga habboon u runsheegga iyo u ogolaanahaha xaqeeda. 

Waayay garqaadid ka culus waalidkaaga iyo wadankaaga.

Waayay badbaado ka wanaagsan aamusnaanta. Daawo ka wacan cafiska. Xafidaad ka adag naftaada iyo sir lagugu aaminay. 

Waayay hindiso ka qaalisan hal-abuurka. Dhaqan ka wanaagsan baarrinimada iyo u dabacsanida waalidkaaga. 

Waayay Awood ka sarraysa jacaylka. Waayay fidno ka wayn carrabka. 

Waayay faduul ka daran xukminta iyo ku xadgudubka shaqsiyadda.

Waayay astaan ka qaalisan daacadnimada iyo dun wanaagga. Waayay dhagar ka daran qiyaanada kuwa kuu dhaw iyo dhabar ka toogashada saaxiibbada kugu sirqarsaday. 

Waayay farxad ka qaalisan ubadka. Waayay hammi ka wanaagsan hankaagoo kuu hagaasan. 

Waayay hibo ka qaalisan hooyanimo. Waayay bixin ka habboon caawinta kuwa kuu baahan. 

Waayay daruuf ka adag tan agoonnimo iyo rajenimo. Waayay sugitaan ka xun sugidda qof aan soo socon. Gocasho ka daran xasuusaha. Waayay oo waayay samir ka adag waayidda waalidkaaga iyo qof wadnahaaga ku weyn.

Waayay xanuun ka daran foosha iyo sakaraadka. Waayay qiimo ka badan sharafkaaga. Waayay labis ka habboon aqlaaqdaada. 

Waayay oo waayay cashar ka wanaagsan waayo-aragnimada nolosha. 

Waayay shaqsiyad taada u dhiganta. 
Waayay is faham keenna ka wacan. Waayay daryeel iyo dadnimo taada oo kale ah. 

Waayay oo waayay eegmo ka qurux badan middaada oo lagu laray middayda.

❣❣❣❣❣❣❣❣❣❣❣❣❣❣❣.

Xig-mad Ka Soo Maaxatay Gabadh Alle, Rasuulkiisa Iyo Dhaqanka Suubbanni Biyo Dhigtay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured