"MAARAYNTA SIYAASADDA" Waxa Qoray Abdifatah A. Ileeye

0
Thursday October 13, 2022 - 03:10:37 in by Super Admin
  • Visits: 110
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "MAARAYNTA SIYAASADDA" Waxa Qoray Abdifatah A. Ileeye

    Dawladdaha waxa dumiya ama dhisa, ee halaaga ama badhaadhe galiya waa hadba sida loo maareeyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawladdaha waxa dumiya ama dhisa, ee halaaga ama badhaadhe galiya waa hadba sida loo maareeyo
 siyaasadda dalkaa. Maarayntaasi laba mid uun bay ku ururtaa:-

1. Inay noqoto mid keenta degenaan siyaasadeed (Political stability) iyo hubanti dhan walba ah (Certainty), oo suurtogelisa in cid waliba ay si rasmi ah ugu rar-furan karto dalkaas. Rar-furashadaas ayaa sees u noqoto maalgashiga gudaha iyo dibadda, horumarka ganacsiga, soo jiidashada dalxiisayaasha iyo isir kasta oo muhiim u ah horumarka dhaqaalaha. 

2. Iyo in habka loo maaraynayo siyaasada dalkaasi inay keento degenaansho la'aan siyaasadeed (Political instability) iyo hubanti la'aan dhan walba ah (uncertainty), oo keenta in cid waliba ay ka cararto dalkaas, dhaqaaluhu burburo, midnimada ummadiisu burburto, dagaalo sokeeye yimadaan,  nolosha oo dhamina ay halaagsanto. 

Labadan arrimood waxa ay ku xidhan yihiin kolba damiirka, kartida, aqoonta, lexejeclada iyo aragtida qofka madaxda ka ah dalkaas. Somaliland, maaraynteeda siyaasadu waa sidee sanadahan u dambeeyay? Ma degenaansho siyaasadeed baa jira iyo hubanti mustaqbal mise degenaasho la'aan siyaasadeed iyo hubanti la'aan mustaqbal?.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured