Ceel-kii Ku Suntannaa Halganka, Gobanimadda Iyo Dib U Xoreynta JSL Ee Burco Oo Caawa La Ciir-ciirraya Sum-xadda Labeenta, Bir'ma-gaydadda, Wax-garadka, Aqoonyahanka Talo-qabeenka Iyo Dhaqanka Beel-weynta Ismaaciil Sh Isaxaaq (GAR-XAJIS).

0
Wednesday October 19, 2022 - 18:28:28 in by Super Admin
  • Visits: 488
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ceel-kii Ku Suntannaa Halganka, Gobanimadda Iyo Dib U Xoreynta JSL Ee Burco Oo Caawa La Ciir-ciirraya Sum-xadda Labeenta, Bir'ma-gaydadda, Wax-garadka, Aqoonyahanka Talo-qabeenka Iyo Dhaqanka Beel-weynta Ismaaciil Sh Isaxaaq (GAR-XAJIS).

    Burco (QMN)- Ceel-kii Ku Suntannaa Halganka, Gobanimadda Iyo Dib U Xoreynta JSL Ee Burco, Ayaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Burco (QMN)- Ceel-kii Ku Suntannaa Halganka, Gobanimadda Iyo Dib U Xoreynta JSL Ee Burco, Ayaa
 Caawa La Ciir-ciirraya Sumxadda Labeentii, Bir'ma-gaydaddii, Wax-garadkii, Aqoonyahankii Talo-qabeenkii Iyo Dhaqankii Beel-weynta Ismaaciil Sh Isaxaaq (GAR-XAJIS).

Xaruunta Halganka Dalka JSL Ee Burco, Ayaa Si Weyn Looga Dareemayaa Sum-xadda Dadka, Kadib Markii Ay 24 Saacaddood Ee U Dambeeyey Ay Xaruunta Gobolka Togdheer Soo Gaadheen Labeentii, Bir'ma-gaydaddii, Wax-garadkii, Aqoonyahankii Talo-qabeenkii Iyo Dhaqankii Ummadda, Gaar Ahaan Beel-weynta Ismaaciil Sh Isaxaaq (GAR-XAJIS) Oo Uu Shirka TOL-WANAAJE Saddex (3) Uga Furmi Doonno 25-ka Bisha Beerta Qoyska Sharefta Iyo Karaamadda Weyn Ku Leh Qaranka Somaliland, Kuna Suntan Halgankii Dib U Xoreynta JSL Ee Reer Xaaji Axmed Quluube Ee Dulleedka Magaaladda Burco Ku Taalla. 

Ceelka Burco Oo Qaranka Somaliland Taariikh Weyn Ku Leh, Kanna Soo Jeeddaan Inta Badan Hogaamiyeyaasha Siyaasadda, Aqoonyahanka, Hal-Abuurka Soomaaliyeed kuwoodda Ugu Magac Weyn, Talo-qabeenka Iyo Dhaqankii Ummadda, Ayaa Caawa Waxa Si Rasmiya Ugu Wadda Sugan Dhammaan-ba Salaaddiinta, Cuqaasha, Wax-garadka, Hal-doorka, Aqoonyahanka, Ganacsatadda, Dhalinyaradda, Haweenka Iyo Qurbe-jooga Ee Beel-weynta Ismaaciil Sh Isaxaaq (GAR-XAJIS) Oo Si Rasmiya Uga Qaybgalaya Shirka TOL-WANAAJE Saddex (3) Oo ka Furmi Doonno 25-ka Bisha Beerta Reer Xaaji Axmed Quluube Ee Dulleedka Magaaladda Burco Ku Taalla. 

Salaaddiinta, Cuqaasha, Wax-garadka, Hal-doorka, Aqoonyahanka, Ganacsatadda, Dhalinyaradda, Haweenka Iyo Qurbe-jooga Ee Beel-weynta Ismaaciil Sh Isaxaaq (GAR-XAJIS) Oo Isaga Kala Yimid Gobolladda Sanaag, Sool, Togdheer, Daad-madheedh, Saaxil, Hawd, Maroodi-jeex, Ismaamulka Soomaalida Ee Dalka ETHIOPIA Iyo Dalalka Dibedda, Ayaa Waxa Hormood U Ah Oo Hogaaminaya Suldaanka Guud Ee JSL, Ah-na Suldaanka Guud Beel-weynta Ismaaciil Sh Isaxaaq (GAR-XAJIS) Suldaan Daa'uud Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Cabdilaahi Suldaan Diiriye Oo Isagu Si Rasmiya U Furmi Doonno 25-ka Bisha Shirka TOL-WANAAJE Saddex (3) Beel-weynta Ismaaciil Sh Isaxaaq (GAR-XAJIS), kaasoo Lagaga Wadda Hadlayo Arrimo Kala Duwan Oo Si Gaar Ah U Taabannaya Masiirka Dhaqan Dhaqaale, Siyaasaddeed, Amni Ee Beel-weynta Ismaaciil Sh Isaxaaq (GAR-XAJIS). Iyaddoo Marka Uu Shirka TOL-WANAAJE Saddex (3) Ee Ee Beel-weynta Ismaaciil Sh Isaxaaq (GAR-XAJIS) Uu Guddaha Reerka Ka Soo Dhammaado Ay Si Rasmiya Uga Soo Wadda Qaybgalaan Gogol Suldaanka Guud Ee JSL, Ah-na Suldaanka Guud Beel-weynta Ismaaciil Sh Isaxaaq (GAR-XAJIS) Suldaan Daa'uud Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Cabdilaahi Suldaan Diiriye Uu Fiddiyey Dhammaan-ba Hogaanka Dhaqanka Ee Beelaha Reer Somaliland Oo Dhami. Iyaddoo Inta Ka Hadhsan Furitaan 25-ka Bisha Ee Shirka TOL-WANAAJE Saddex (3) La Filayo Inay Guddaha Ceelka Burco Ku Soo Wadda Xarooddaan Dhammaan-ba Egooyinka Beel-weynta Ismaaciil Sh Isaxaaq (GAR-XAJIS) Ee Sidda Rasmiga Ah Uga Qaybgalaya Shirka TOL-WANAAJE Saddex (3).

Geesta Kale Waxa Xoog Loo Adkeeyey Amaanka Beerta Reer Xaaji Axmed Quluube Ee Dulleedka Magaaladda Burco Ku Taalla Oo Ah Goobta U Qorsheysan Inuu 25-ka Bisha Si Rasmiya Uga Furmo Shirka TOL-WANAAJE Saddex (3) Ee Beel-weynta Ismaaciil Sh Isaxaaq (GAR-XAJIS). Hadduu Alle Yidhaahdo.

Shirka TOL-WANAAJE Saddex (3) Ee Ee Beel-weynta Ismaaciil Sh Isaxaaq (GAR-XAJIS) Oo Ah Kii Saddexaad Ee Ay Beel-weynta Ismaaciil Sh Isaxaaq (GAR-XAJIS) Yeelato, Ayaa Hore Uga Soo Kala Dhacay Caasimadda Dalka Ee Hargeysa Iyo Buurta Gacan Libaax Ee Gobolka Saaxil.

Tifaftire Khaddar Ali Khum "Shiine"
Shabakedda Caalamigaa Ee Qumannews.net
Burco/Somaliland.

Isha Ku Hay Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net Goor Kasta Iyo Goob Kasta Oo Aad Joogto Ama Ku Sugan Tahay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured