Ma Dhabaa Inuu Isu Is-casilayo Madaxweyne Ku Xigeenka JSL khilaaf Weyn Iyo Wadda Shaqeyn La'aan U Dhexaysay Madaxweyne Biixi Sannaddihii U Dambeeyey?.

0
Friday October 21, 2022 - 20:33:46 in by Super Admin
  • Visits: 877
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma Dhabaa Inuu Isu Is-casilayo Madaxweyne Ku Xigeenka JSL khilaaf Weyn Iyo Wadda Shaqeyn La'aan U Dhexaysay Madaxweyne Biixi Sannaddihii U Dambeeyey?.

    Hargeysa (QMN)- Warar Hoose Oo Ay Shabakedda Caalamigaa Ee Qumannews.net Ka Heshay Ilo Wareed-yo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (QMN)- Warar Hoose Oo Ay Shabakedda Caalamigaa Ee Qumannews.net Ka Heshay Ilo Wareed-yo
 Lagu kalsooni Karo, Ayaa Sheegay Inuu Madaxweyne Ku Xigeenka JSL Md Cabdiraxmaan Ismaaciil Shirre (Saylici) Qorsheynayo Inuu Iska Casilo Xilka Jagadda Madaxweyne Ku Xigeenka JSL.

Xogahan Ay Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net Heshay, Ayaa Sababta Uga Dhigaya Is-casilaadda Madaxweyne Ku Xigeenka JSL Md Cabdiraxmaan Ismaaciil Shirre (Saylici) Ay La Xidhiidho Ama Salka Ku Hayso khilaaf Siyaasaddeed Oo Dhanka Wadda Shaqeynta Ah Oo Sannaddihii U Dambeeyey U Dhexeeyey Madaxweynaha JSL Md Muuse Biixi Cabdi.

Khilaafka U Dhexeeya Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Iyo Ku Xigeenkiisa Md Cabdiraxmaan Ismaaciil Shirre (Saylici), Ayaa La Sheegay Inuu Muddo Laba Sanno Ah Soo Jiitamayey, Isla-markaana Xogta khilaafka Labadda Masuul Ee Hogaaminta Dalka U Sareeya Xoog Looga Ilaaliyey Saxaafadda, Ayey Wararkan Hoose Sheegayaan In Loo Maarre Waayey, Kadib Markii Wax Daawo Ah Loo Waayey Cabashooyin Md Saylici U Gudbiyey Madaxweyne Biixi Dhawr Jeer Oo Uu La Garnaqsadday. Iyaddoo Madaxweyne Ku Xigeenka JSL Md Cabdiraxmaan Ismaaciil Shirre Qorsheynayo Dhawaan Inuu Si Rasmiya Isaga Casilo Xilka Jagadda Madaxweyne Ku Xigeenka JSL Oo Uu Shantii Sanno Ee U Dambeeyey Soo Hayey. Iyaddoo Toddobaddii Sanno Ee Ka Horeeyey 2017-kii Markii La Doortay Madaxweyne Biixi Uu Madaxweyne Ku Xigeen U Ahaa Madaxweynihii Hore Ee JSL Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Xogahan Ayaa Sheegaya Waxyaabaha Ugu Weyn Ee Sababta U Ah Khilaafka U Dhexeeya Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Iyo Ku Xigeenkiisa Md Cabdiraxmaan Ismaaciil Shirre (Saylici) Ay Ka Mid Yihiin Awoodda Dhanka Wadda Shaqeynta, Gaar Ahaan Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Aan Haynin Awooddiisii Gaar Ahaanneed, Cabashooyin Tirro Beelay Oo Deegaannaddiisu Soo Gudbiyeen Xukuumadda Madaxweyne Ku Xigeenka Ka Yahay, Isla-markaana Uu Madaxweyne Biixi Waxba Ka Qaban Waayey Iyo Doorashadda Madaxtooyadda Ee Soo Socota Oo Jagaddiisa Uu Madaxweyne Biixi U Diyaariyey Badelkeedda Wasiirkiisa Ganacsiga Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) Oo Ay Kasoo Wadda Jeeddaan Gobolka Awdal. 

Geesta Kale Xogahan Ay Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net Ay Heshay, Ayaa Sheegay Inay Dhawaan Is-casishay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Deegaanka Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Bandarre Sababo Iyadda U Gaar Ah. Balse Uu Madaxweyne Biixi Ka Codsadday Wasiir Shukri Inay Sugto Intuu Badelkeedda Soo Diyaarinnayo. 

Madaxweyne Biixi Geesta Kale La Sheegay Inuu Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ee JSL Md Dr Ciise Kayd Uu ka Codsadday Inuu Wasaarad kale U Badelayo, Una Magacaabi Doonno Wasaaraddiisa Baashe Cawil Cumar, Dalabka Madaxweyne Biixi U Gudbiyey Wasiir Dr Ciise Kayd, Ayey Xogtu Sheegtay Inuu Wasiirku Diidday. Iyaddoo Uu Ku hanjabay Hadduu Ay Dhacdo Uu Gabi Ahaanba Iska Casilayo Golaha Wasiiradda Ee Xukuumadda Madaxweyne Biixi.

Ma Jirto Warar Si Cad Shaaca Uga Qaadday Is-casilaadda Madaxweyne Ku Xigeenka JSL Md Cabdiraxmaan Ismaaciil Shirre (Saylici). Balse Wixii Xaqiiq Ah Ee Ka Jira Wararkan Dhammaantood-ba Waynu Ka War Sugaynaa.

Tifaftire Khaddar Ali Khum "Shiine"
Shabakedda Caalamigaa Ee Qumannews.net
Burco/Somaliland.

Isha Ku Hay Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net Goor Kasta Iyo Goob Kasta Oo Aad Joogto Ama Ku Sugan Tahay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured