"WAA KUMA DR-MOHAMED DAAHIR XAAWAADLE "SENIOR SURGEON DOCTOR?"

0
Sunday October 23, 2022 - 02:38:16 in by Super Admin
  • Visits: 988
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "WAA KUMA DR-MOHAMED DAAHIR XAAWAADLE "SENIOR SURGEON DOCTOR?"

    Dr-Mohamed Daahir Xawaadle,waa dhakhtarka qaliin ee ugu fican xagga qaliinada hadaanu ahaynba

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dr-Mohamed Daahir Xawaadle,waa dhakhtarka qaliin ee ugu fican xagga qaliinada hadaanu ahaynba
 ka koowaad.

Dhakhtar: Mohamed Daahir Hawaadle wuxu ka mid yahay dhakhaatirta qallinka ee ka hawl-gala gayigga Somaliland  gar ahaan Caasimada Hargeisa waxanu ka mid yahay dhakhaatirta Reer Somaliland ee qaliinada gala ama fuliyaba aan idhaahdee.

Dhakhtarkani wuxu ka mid yahay dhakhatirta faro ku tiriska ah ee uu haysto dalkeenu isago waliba ka mid ah dhakhaatirta dalka gudihiisa  wax ku baratey gar ahaan "Jaamacadda Hargeisa" qaybteeda Caafimaadka ee loo yaqaano   "Medical & Surgery " Caafimaadka & qallinada"

Haddaba marka aad eegto hormarka uu sameynayo waxad arkaysa inu aad ugu han weyn yahay inuu daboolo baahida ay dadkiisu u qabaan inay hellaan adeeg caafimaad oo sarreeya, tayo sarrena leh.

Dhakhtar Mohamed daahir xawaadle wuxu ka mid aha labadi Dhakhtar ee ugu horeeyay ee somali ah ee la shaqeeya dhakhaatir ajaaniba iyaggo la sameynaya"Round" ka ama inay kuso wareegan waadhadhka kala duwan ee bukaannadu u yaallaan iyaggo bukaan- bukaan u dul istaagaya eegayanna xaaladiisa. 

Dhakhtarkani waa "Self-motivated" ama qof isagu sidiisaba u dhiirigashan kuna rajo weyn inuu sii hormariyo xirfadiisa si farshaxannimo ku jirto.

Wuxu alle hibbo u siyey hawlkarnimo iyo inuu yahay qof ama dhakhtar aan isla wayni ku jirin, dadka ay shaqo wadaagta yihiin ay qadarin iyo xushmad faro badan u hayaan.

Bahda caafimaadkuna ay ku xush-meeyaan Sidda habsami u socodka leh ee uu hawshiisa iyo shaqadiisa maalin leh ba uu watto &  sida u  u kala yaqaanno bukaanka tabaalleysan ee aan awoodin in adeeg loo fuliyo gaadhsiiyana Maamulka Cusbitaalka sida ugu fudud ee qofka loogu fudeydin karo waxa uu ka cabannayo.

Wuxu aad uga dhisan yahay dhinac-yadda "Theory-ga & Practical" wuxuna wax ka dhiggaa Jaamacado badan oo ku yaala dalka gar ahaan qaybaha qalliinada & koorsiska kala duwan ee caafimaad isago nasiib u helay inuu noqdo Dhakhtar alle ku manneystey dabbeecad iyo akhlaaq & waliba ballaaqada waxa loo yaqaanno....<

Waqtiga uu dhakharkani qalliinnada fullinayey waxa lagu qiyaasa ila toddoba-sannadood, iyadda  oo aad loogu xasuuso inuu ka mid ahaa isaga & Dhakhtar kale inay ahaayeen laba dhakhtar oo ay aad u jeclaayeen dhakhaatirta ajaanibta ahi ee qallinada hore uga fulin jirrey cusbitaalka weyn ee Hargeisa.

Wuxuna dhawaan lagu sharfey abaal marinta dhakhtarki ugu wanaagsana xagga qalliinada "The best surgeon Doctor in years" iyaddo loo eegayo miyey wax "Complications " ahi kagga soo noqdaan qalliinada uu sammeeyo ,taaso iyanna wax dhibaato ahi aaney ka imanin qalliinada uu gallo iyo in waadhaadhka uu marra  ay u xusheen inuu noqdey dhakhtar ay u garteen in abaal  marinta sannadka lagu maamuuso.

Dhawaan wuxu hellay Deeq waxbarasho "Postgraduate General Surgery's" oo ay iska kaashanayaan Jaamacada -Amoud University & Harmayo University.

Waxan aamin sanahay Haddii Dhakhtar Xawaadle uu helli laha takhasusaad waddamada Yurubta ah, inuu noqon laha dhakhtar ino tobobara ama ino soo saara, inu dalkeenu hello "Group Of Surgery's " ama koox qalliin oo tayo sarre leh.

Gabo-gabadii waxan kuso gunnaanadaya qormaddan aan u hibbeynayno walaalkeen in alle miisaanka xasaaanadka u saarro u adeegida dadkiisa & dalkiisa.

W/Q: Diplomacy-Houssein Youssouf Abih Tanzaani.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured