MUJAAHID Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax: MUJAAHID Laxaadkiisii Ku Waayey Xisbiga KULMIYE Oo Ku Sugan Madasha Shirka DAL-WANAAJE Iyo Ceelkii Burco.

0
Tuesday October 25, 2022 - 19:43:14 in by Super Admin
  • Visits: 363
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    MUJAAHID Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax: MUJAAHID Laxaadkiisii Ku Waayey Xisbiga KULMIYE Oo Ku Sugan Madasha Shirka DAL-WANAAJE Iyo Ceelkii Burco.

    Burco (QMN)- MUJAAHID Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax Oo Ka Mid Ahaa Tiirarkii Weyn-naa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Burco (QMN)- MUJAAHID Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax Oo Ka Mid Ahaa Tiirarkii Weyn-naa
"MUJAAHID Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax Oo Ka Mid Ahaa Tiirarkii Weyn-naa Ee UDUB-dhexaadka U Ahaa Guushii Xisbiga KULMIYE ka Gaadhay Doorashaddii Madaxtooyadda Ee 2010-kii".
================================

Burco (QMN)-  MUJAAHID Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax Oo Ka Mid Ahaa Tiirarkii Weyn-naa Ee UDUB-dhexaadka U Ahaa Guushii Xisbiga KULMIYE ka Gaadhay Doorashaddii Madaxtooyadda Ee 2010-kii, Ayaa Ceelka Burco Ee Xaruunta Gobolka Togdheer Kaga Qaybgalaya Shirka DAL-WANAAJE Ee Beel-weynta Ismaaciil Sh Isaxaaq GAR-XAJIS.

MUJAAHID Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax Oo Ka Mid Ah Siyaasiyiinta Iyo Aqoonyahanka Dalka JSL, Ayaa Wakhtigii Ololaha Doorashaddii Madaxtooyadda Ee Xisbiga KULMIYE Ku Guulaystay Isagoo Ku Gudda Jira, Waxa Uu Dhaawac Aad U Xun Ka Soo Gaadhay Dhabarka Oo Uu Ka Jabay, Kadib Markii Uu Shil Gaadhi Uu Galay, Kaasoo Uu Ku Geeriyoodday Alle Ha U Naxariistee Aqoonyahan Cali Maarshaal Oo Isna Ka Mid Ahaa Hogaanka Sare Ee Xisbiga KULMIYE.

MUJAAHID Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax, Ayaa Guushii Xisbiga KULMIYE Ka Gaadhay Doorashaddii Madaxtooyadda Ee 2010 Oo Uu Kaalin Weyn Ku Lahaa Guushaa Aan Xisbiga KULMIYE Hogaankiisa-ba Helin Haba Yaraatee Wax Abaal Celin Ah. Iska Daa Inuu MUJAAHID Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax Ka Hello Hogaanka Xisbiga KULMIYE Abaal Celinne, Waxa Dhawr Sanno, Kadib Mar Kale La Danqay Dhaawacii Kasoo Gaadhay Dhabarka Ee Uu Xisbiga KULMIYE Dartii Uga Jabay. Iyaddoo Shir Xisbiga KULMIYE Ku Qabsadday Hotel-ka Maansoor Ee Magaaladda Hargeysa Oo Uu Ka Qaybgalayey Xoog Looga Saaray, Isla-markaana Inta Garbaha La Qabtay Dhulka Lagu Sii Daayey, Waxaana Halkaa Kasoo Gaadhay MUJAAHID Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax Dhaawac kale Oo Danqasho Ah dhabarkii Uu KULMIYE Dartii Uga Jabay. Iyaddoo Sababta Hogaanka Sare Ee KULMIYE Mujaahidka Siddan Ugu La Dhaqmeen Ahayd Doonis Damaciisa Siyaasiga Ah Iyo Hankiisa La Xidhiidhay Oo Uu Xisbigiisii U Naafoobay Uu Ka Doonay Siina Shaaciyey Maalmo Ka Hor Shirka KULMIYE.

MUJAAHID Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax Oo Xisbiga KULMIYE Guddoomiye 2-aad Kasoo Noqday Laguma Arag Fagaarayaasha Siyaasadda Dalka Wixii Ka Dhamneeyey Markii Xisbiga Abaal Celin Uga Dhigay Inuu Dhaawac Labaad Si Ula Kac Ah Loo Gaadhsiiyo. Iyaddoo Shirka Sifo Xoog Ah Oo Sharci Darro Looga Saaray. MUJAAHID Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax Oo Xisbiga KULMIYE Kasoo Mid Ahaa Aasaasayaashiisii, Ayaa Dul Dhigay KULMIYE Muddadda Mucaaridka Ahaa Naf Iyo Maal, Isagoo Ku Bixiyey Dhaqaale Wixii Uu Haystay, Ilaa Intuu Ka Guulaysannayey-na Uu La Daba Taagnaa. Iyaddoo Ugu Dambayn-na Aakhirkii Uu Isaga Haajiray KULMIYE, Isagoo Ka Helin Haba Yaraatee Wax Abaal Celin Ah Iyo Wixii Uu Ka Mudnaa Midna Aan Ka Helin, kun-na Waayey Laxaadkiisii, Lagu-na Waxyeelleeyey Markii Uu Soo Bandhigay Damaciisii Siyaasiga Ahaa Ee Uu Ka Dhex Doonnay Xisbigii Aasaaskiisa Lahaa, Kuna Soo Bixiyey Wixii Dhaqaale Uu Haystay.

Muddane MUJAAHID Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax, Ayaa Hadda Ka Mid Ah Masuuliyiinta Sare Ee Deegaankiisa Uga Qaybgalaya Shirka DAL-WANAAJE Ee Beel-weynta Ismaaciil Sh Isaxaaq GAR-XAJIS Uga Furmay Maanta Ceelka Burco Ee Xaruunta Gobolka Togdheer.

Muddane MUJAAHID Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax Oo Ah Aqoonyahan Dalka JSL Iyo Dadkiisa Qiimo Weyn Ku Leh, Ayaa Kasoo Jeedda Qoyska Reer Cabdiqaadir Faarax Oo Qaranka Somaliland Abaal Weyn Ku Leh, Kuna Suntannaa Halgankii Adagkaa Ee JSL Loo Soo Maray. Iyaddoo Guriga London Ee Reer Cabdiqaadir Faarax Lagu Aasaasay Ururkii Dhaqdhaqaaqa Soomaaliyeed Ee SNM Sannadkii 1981-kii Bishii April 1-deeddii.

Tifaftire Khaddar Ali Khum "Shiine"
Shabakedda Caalamigaa Ee Qumannews.net
Burco/Somaliland.

Isha Ku Hay Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net Goor Kasta Iyo Goob Kasta Oo Aad Joogto Ama Ku Sugan Tahay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured