Xoghayaha Arrimaha Dibadda Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Oo Si Weyn U Taageeray Shirka DAL-WANAAJE Ee Deegaankiisa Uga Furmay Ceelka Burco.

0
Tuesday October 25, 2022 - 22:48:48 in by Super Admin
  • Visits: 486
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Xoghayaha Arrimaha Dibadda Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Oo Si Weyn U Taageeray Shirka DAL-WANAAJE Ee Deegaankiisa Uga Furmay Ceelka Burco.

    Burco (QMN)- Xoghayaha Arrimaha Dibadda Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Md Cismaan Cabdilaahi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Burco (QMN)- Xoghayaha Arrimaha Dibadda Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Md Cismaan Cabdilaahi
Caddaani: "Siyaasi Ku Caan Baxay Geesinimo, Ku Dhac, Hab-rasho La'aan Iyo Go'aan Adki".

Burco (QMN)- Xoghayaha Arrimaha Dibadda Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Md Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani), Ayaa Sheegay Inuu Si Weyn U Taageersan Yahay Shirka DAL-WANAAJE Ee Beel-weynta Ismaaciil Sh Isaxaaq GAR-XAJIS Uga Furmay Maanta Ceelka Burco Ee Xaruunta Gobolka Togdheer.

Siyaasi Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani) Oo Xukuumaddii Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Xilal kala Duwan Oo Wasiirnimo Ah Ka Soo Qabtay, Ayaa Caddeeyey Inuu Rasmiya U Taageersan Yahay Shirka DAL-WANAAJE Ee Deegaankiisa Uga Furmay Maanta Ceelka Burco Ee Xaruunta Gobolka Togdheer.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Md Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani), Ayaa Geesta Kale Caddeeyey Inuu Siddoo Kale Uu Taageeri Doonno Dhammaan-ba Qoddobadda Kasoo Baxa Shirka DAL-WANAAJE Saddex Ee Beel-weynta Ismaaciil Sh Isaxaaq GAR-XAJIS Uga Furmay Xaruunta Gobolka Togdheer Ee Burco.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Md Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani), Ayaa Si Weyn Loogu Xusuustaa Go'aankii Adkaa Ee Uu Sidda Geesinimadda Leh Ugu Taageeray Shirkii Tallo Iyo Tawfiiq, Mar Uu Ka Qaybgalay Shir Xaruunta Qasriga Madaxtooyadda Ay Ku Lahaayeen Golihii Wasiiradda Ee Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo Uu Si Toos Ah Uga Dhexdiidday, Isagoo Madaxweyne Siilaanyo-na Fadhiyey Shirkan.

Go'aanka Geesinimadda Lahaa Ee Uu Siyaasi Ex-Wasiir Caddaani Ku Taageeray Shirkii Tallo Iyo Tawfiiq Ee Ay Beelaha Siciid GAR-XAJIS (Habar Yoonis) Ku Qabsaddeen Buurta Daallo Ee Gobolka Sanaag Sannadkii 2011-kii, Ayaa Ahaa Go'aan Uu Si Cad Oo Aan Gabasho Lahayn Uga Diidday Shirka Golaha Wasiiradda Ee Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo In Wax Car-qalad Iyo Is-hortaag Ah Lagu Sameeyo Shirka Tallo Iyo Tawfiiq Oo Ay Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo Doonnaysay In La Is-hortaago. Iyaddoo Wakhtigaas Ay Bilad Sharefeed Dhanka Geesinimadda Ah Ku Maamuuseen Siyaasi Caddaani Guddidii T O T Ee Lagu Soo Doortay Shirkii Tallo Iyo Tawfiiq Ee Ay Beelaha Siciid GAR-XAJIS (Habar Yoonis) Ku Yeesheen Buurta Daallo Ee Gobolka Sanaag.

Mar Kale, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Md Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani), Ayaa Si Weyn U Taageeray Shirkii TOL-WANAAJE Laba Ee Ay Sannadkii 2018-kii Ku Qabsatay Beel-weynta Ismaaciil Sh Isaxaaq GAR-XAJIS Buurta Gacan Libaax Ee Gobolka Saaxil.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Md Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani) Oo Ka Mid Ahaa Muddo Badan Xisbiga KULMIYE, Ayaa Si Rasmiya Uga Baxay Dhawr Sanno Ka Hor Xisbiga KULMIYE, Isagoo Ku Biirray Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI, Kadibna Uu Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Md Xirsi Cali Xaaji Xasan U Magacaabay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Md Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani). Iyaddoo Muddadda Uu Md Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani) Ahaa Xoghayaha Arrimaha Dibadda Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Ay Wax Weyni Iska Badashay Siyaasaddii Arrimaha Dibadda Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI.

Tifaftire Khaddar Ali Khum "Shiine"
Shabakedda Caalamigaa Ee Qumannews.net
Burco/Somaliland.

Isha Ku Hay Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net Goor Kasta Iyo Goob Kasta Oo Aad Joogto Ama Ku Sugan Tahay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured