"Shirka GAR-XAJIS Ee Burco Ka Furmay 25/10/2022-ka Ragga Ka Daba Hadlaya, Waxa 1964-kii Hore U Sii Sheegay Abwaankii AUN Axmed Ismaaciil Diiriye (Qaasim)" Qorraa Sare Cabdirisaaq Suuddi Nuur.

0
Tuesday October 25, 2022 - 23:43:46 in by Super Admin
  • Visits: 294
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Shirka GAR-XAJIS Ee Burco Ka Furmay 25/10/2022-ka Ragga Ka Daba Hadlaya, Waxa 1964-kii Hore U Sii Sheegay Abwaankii AUN Axmed Ismaaciil Diiriye (Qaasim)" Qorraa Sare Cabdirisaaq Suuddi Nuur.

    Burco (QMN)- Qorraa Sare Cabdirisaaq Suuddi Nuur Oo Ka Mid Ah Aqoonyahanka Dalka JSL, Ayaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Burco (QMN)- Qorraa Sare Cabdirisaaq Suuddi Nuur Oo Ka Mid Ah Aqoonyahanka Dalka JSL, Ayaa
 Qormo Tix-gabay Ah Oo Uu Alle Ha U Naxariistee Abwaankii Axmed Ismaaciil Diiriye (Qaasim) Sannadkii 1964-kii U Tiriyey Nin Ay Walaal Ahaayeen Oo Kula Dardaarmayey U Soo Qaatay Weji Ku Macaashka Ka Daba Qaylinnaya DAL-WANAAJE Ee Beel-weynta Ismaaciil Sh Isaxaaq GAR-XAJIS Uga Furmay Maanta Ceelka Burco Ee Xaruunta Gobolka Togdheer, Ayaa Ku Yidhi Siddan Qormaddiisa AUN Abwaan Qaasim Oo La  Dar-daarmayay Walaalkii San-yare  Oo Uu Ku Tuhun-sanaa In Uu Taageer-San Yahay Nin Ka Mid Ahaa Siyaasiyiin-tii Sannaddihii 60-naadkii  Ugu Tunka Waynaa Ugu-na  Dhaqaalaha Badnaa Oo Uu  Abwaan-ku Rumays-naa In San-yare  Aanu Ku Raacin Mabda' Iyo Aragti 
Ee Uu Ku Raacay Dhadhamo Iyo  Dhuuni Ayuu Abwaan Qaasim Walaalkii San-yare Maansaddan U Tiriyey 1964-kii Waxaanu Yidhi:-

San-yaraw Dharkayn Lama Cuniyo Midho Dhun-kaaleede

Dhadhamooyin Badan-baa Jira Oo Aad Ku Dhimataaye 

Dharag Ma Laha Dhuuniga Xun Een Cunaha Dhaafayne

Dhexda Yaanu Maro Kuugu Xidhin Dhiig Tif Leeyahaye

Dhulka Nimaan Samaan-tiisa Waddin Yaan Lagaa Dhigine 

Dhuuni Raac Ha Noqon Adiga Oo Dhawr Gu' Soo Jiraye 

Dhalan-teed Xareed Buu U Eeg-yahay Dheehashada Guudde 

Dhaglay Lagama Soo Darro Oo Waa Dhamac Kaliileede 

Hal Libaax Dhir-qaday Oo Jidh Iyo Dheef-ba Ka Idleeyay 

Ha U Dhuran Dhurwaagii Laftuu Dhuuxay Eer-sadday".

Qore: Cabdi-risaaq Suuddi Nuur

              Allaa Mahad Leh".

Shabakedda Caalamigaa Ee Qumannews.net 
Burco/Somaliland.

Isha Ku Hay Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net Goor Kasta Iyo Goob Kasta Oo Aad Joogto Ama Ku Sugan Tahay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured