Suxufi Xasan Maxamed Yuusuf Oo Xaalad Caafimaad Darro Oo La Soo Daristay Loo Dhigay Cisbitaalka Royal Ee Magaaladda Hargeysa.

0
Wednesday October 26, 2022 - 02:06:12 in by Super Admin
  • Visits: 98
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Suxufi Xasan Maxamed Yuusuf Oo Xaalad Caafimaad Darro Oo La Soo Daristay Loo Dhigay Cisbitaalka Royal Ee Magaaladda Hargeysa.

    Hargeysa (QMN)- Rug-caddaaga Saxaafadda Somaliland Xasan Maxamed Yuusuf, Ayaa Xaalad Caafimaad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (QMN)- Rug-caddaaga Saxaafadda Somaliland Xasan Maxamed Yuusuf, Ayaa Xaalad Caafimaad
 Darro Oo Degdega Ah, Lanna Soo Daristay Awgeed Loo Dhigay Cisbitaalka Royal Ee Magaaladda Hargeysa.

Wariye Xasan Maxamed Yuusuf Oo Ka Mid Ah Hormoodka Iyo Hal-doorka Ay Ku Duuggan Tahay Aqoonta Dhanka Waayo-aragnimadda Ah Ee Saxaafadda Somaliland, Ayaa Waxa Ku Soo Boodday Xanuun, Haddaanu Nahay Bahda Shabakedda Wararka Shabakedda Caalamigaa Ee Qumannews.net, Waxaanu Ilaahay Uga Baryeyaa Inuu Caafimaad Degdega Ah Ugu Badello Xanuunka Oo Uu Inoo Caafiyo. 

Suxufi Xasan Maxamed Yuusuf Wuxuu Ka Mid Yahay Tiirarka Weyn Ee Ay Ku Taagan Tahay, Isla-markaana UDUB Dhexaadka U Ah Saxaafadda JSL. Isagoo Waayo Badan Oo Adag La Soo Maray Saxaafadda Somaliland.

Bahda Qumannews.net, Waxay Si Gaar Ah Idiinka Codsanaysaan Dhammaan-ba Ummadda Soomaaliyeed Meel Kasta Oo Aad Joogtaan Inaad Ducadda Nagu Caawisaan Oo U Soo Ducaysaan Walaalkeen Suxufi Xasan Maxamed Yuusuf Inuu Eebbe Inoo Caafiyo Oo Uu Ka Dul Qaaddo Xanuunka.

Tifaftire Khaddar Ali Khum "Shiine"
Shabakedda Caalamigaa Ee Qumannews.net 
Burco/Somaliland.

Isha Ku Hay Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net Goor Kasta Iyo Goob Kasta Oo Aad Joogto Ama Ku Sugan Tahay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured