"Waannu Soo Dhawaynaynaa Shirka GAR-XAJIS Iyo Go'aanadda Kasoo Baxay, Waxaannanu Qabnaa In 13-ka November Wixii Ka Dambeeya Dawladd Wadaag Ah La Dhiso" Siyaasi Cabdi Qudduf.

0
Thursday October 27, 2022 - 23:52:10 in by Super Admin
  • Visits: 203
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Waannu Soo Dhawaynaynaa Shirka GAR-XAJIS Iyo Go'aanadda Kasoo Baxay, Waxaannanu Qabnaa In 13-ka November Wixii Ka Dambeeya Dawladd Wadaag Ah La Dhiso" Siyaasi Cabdi Qudduf.

    Laascaanood (QMN)- Siyaasi Cabdinaasir Maxamed Cawil, oo Kamid ah, Siyaasiyiinta Mucaaridka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Laascaanood (QMN)- Siyaasi Cabdinaasir Maxamed Cawil, oo Kamid ah, Siyaasiyiinta Mucaaridka
ah ee Kasoo Jeedda Gobolka Sool ayaa Sheegay, in aanney Dalka Somaliland u Cuntamaynin Go'aanka Kasoo Baxey Madaxweynaha takasa haya Muuse Biixi Cabdi islamarkaana, aanney Suurtagal aheyn in Doorashadda Madaxtooyadda laga Soo hormariyo Tan Ururada Siyaasada isagoo, Carabka Ku Dhuftey in ay iyaggu ka Gobol ahaan, Baahi u qabeen in ay Door Ku yeeshaan Siyaasadda Xisbiyadda iyo Loolanka talada Dalka haseyeeshee, aanney Siyaasadda Ururadda Doorashaddu Xiligan haysanin Sharciyad lagaga soo hormariyo Doorashadda Madaxtooyadda.

Cabdinaasir Maxamed Cawil oo Ku Magac-dheer(Cabdi Quduf), oo Warbaahinta la hadley Isagoo jooga Guddaha Magaaladda Laascaanood, Waxa uu Sheegay iney Soo dhaweynayaan Shirka Beesha Garxajis iyo Go'aamadda Kasoo baxey.

"Waannu Soo dhawaynaynaa Shirkaa Beesha GAR-XAJIS iyo Go,aamada Kasoo baxay, Waxaananu Aaminsanahay, in Marka la Gaadho 13ka November Dalka laga dhiso Dawladd Wadaag ah oo Dalka Doorashadda Gaadhsiisa, Mana Aaminsanin in Doorashadda Ururada Siyaasada laga soo hormariyo Tan Madaxtooyadda, Sababtoo ah ma haysato Sharciyad ay Lagu galo Doorashadda Ururadda Waxaannu qabnaa haddaanu Reer Sool Nahey inaanu Dalka Somaliland iyo Dadkaba Wax la yeelano, oo Ururadda Iyo Xisbiyadda Wax ku yeelano haseyeeshee, hadda Waxaa sheegay Komishanka Doorashadda ku Shaqada leh oo Sheegay inney Sagaal bilood Ku Qaban Karraan Doorashadda Madaxtooyada Maxay u sheegi Waayeen haddii tan Ururada Siyaasadu Sharciyad haysato"Ayuu yidhi Siyaasi Cabdi Quduf.

Waxaannu Gaashaanka u Daruurey qoddobadii Maanta laga Soo Saarey Shirkii Golaha Wasiiradda Iyo Doorashadda Ururadda ee Madaxweynuhu Sheegay iney Kasoo horeynayso ta Madaxtooyadda oo uu Ku Tilmaamay Mid aannu Xaq u Lahayn.

Cabdiraxmaan Hiiraan.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured