Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin Oo Walaac Weyn Ka Muujiyey Sababta Ay Xukuumadda Biixi U Xusi Wayday Qaraxyaddii Dalka Ka Dhacay 29-kii October 2008-dii.

0
Saturday October 29, 2022 - 18:58:40 in by Super Admin
  • Visits: 86
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin Oo Walaac Weyn Ka Muujiyey Sababta Ay Xukuumadda Biixi U Xusi Wayday Qaraxyaddii Dalka Ka Dhacay 29-kii October 2008-dii.

    Hargeysa (QMN)- Madaxweynihii Hore Ee JSL Md Daahir Riyaale Kaahin, Ayaa Walaac Weyn Ka Muujiyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (QMN)- Madaxweynihii Hore Ee JSL Md Daahir Riyaale Kaahin, Ayaa Walaac Weyn Ka Muujiyey
 Sababta Ay Xukuumadda Madaxweyne Biixi U Xusi Wayday Qaraxyaddii Dalka Ka Dhacay 29-kii October 2008-dii.

Madaxweynihii Hore Ee JSL Md Daahir Riyaale Kaahin, Ayaa Wuxu Sheegay Inuu Aad Uga Xun Yahay Sababta Keentay In La Xusi Qaraxyaddii Dalka Ka Dhacay Iyo Dadkii Ku Dhintay. Isagoo Carab Ku Dhuftay Md Daahir Riyaale Kaahin In Qaraxyaddii Dalka Ka Dhacay 29-kii October Sannadkii 2008-dii Aanay Cid Gaar Ah Ku Dhicin Ee Ay Ahaayeen Masiibo Iyo Dhibaato Weyn Oo Qaranka Somaliland Ku Wadda Dhacday Ay Ahayd. Isagoo Md Riyaale Su'aal Weyn Galiyey Sababta Xukuumadda KULMIYE U Soo Haddal Qaaddi Wayday Qaraabaddaas.

Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin Oo Ugu Horeynba Ka Hadlaya Qaraxyaddii Dalka Ka Dhacay 29-kii October Sannadkii 2008-dii, Waxa Uu Yidhi "29 Oct Maalintii Qaraxu Hargeysa ka dhacay waxay ahayd maalin Masuuliyiin Badan inaga dhinteen oo la ina gaaday inbadana waynu la dagaalanay nimanka arga gixisada, Waxaanay Ahayd Maalin Xanuunkeedda Iyo Xasuusteedda Leh in la xusana way haboonayd shuhadadii la is xasuusiyo oo loo Duceeyo wax Cid gaara ku Dhacay May Ahayne Qarankay Ku Dhacday".

Si Kastaba Ha Ahaatee Xukuumaddihii Kala Dambeeyey Ee Xisbiga KULMIYE, Ayaan Wax Xus Ah U Sameyn Qaraxyaddii Dalka Ka Dhacay Iyo Dadkii Ku Dhintay-ba.

Tifaftire Khaddar Ali Khum "Shiine"
Shabakedda Caalamigaa Ee Qumannews.net
Har/Office.

Isha Ku Hay Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net Goor Kasta Iyo Goob Kasta Oo Aad Joogto Ama Ku Sugan Tahay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured