Hogaanka Sare Ee Xisbiga WADDANI Laantiisa Dalka Maraykanku, Waxay Si Gaar Ah Ugu War-galinnayaan Dhammaan-ba Jamaahiirta Xisbiga Ee Waqooyiga Amerika Inay Kasoo Qaybgalaan Shir-weynaha Xisbiga Ee Minnesota.

0
Monday October 31, 2022 - 19:01:55 in by Super Admin
  • Visits: 259
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hogaanka Sare Ee Xisbiga WADDANI Laantiisa Dalka Maraykanku, Waxay Si Gaar Ah Ugu War-galinnayaan Dhammaan-ba Jamaahiirta Xisbiga Ee Waqooyiga Amerika Inay Kasoo Qaybgalaan Shir-weynaha Xisbiga Ee Minnesota.

    Minnesota (QMN)- Hogaanka Sare Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Laantiisa Dalka Maraykanku,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Minnesota (QMN)- Hogaanka Sare Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Laantiisa Dalka Maraykanku,
 Waxay Si Gaar Ah Ugu War-galinnayaan Dhammaan-ba Jamaahiirta Iyo Taageerayaasha Xisbiga Ee Ku Dhaqan Waqooyiga Qaaradda Amerika Inay Kasoo Qaybgalaan Shir-weynaha Xisbiga WADDANI Oo Ka Dhacaya 05/11/2022, Magaalo Madax-da Gobolka Minneapolis Ee Minnesota.

Qoraalka Lagu Wargaliyey Dhammaan-ba Jamaahiirta Iyo Taageerayaasha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Ee Ku Dhaqan Waqooyiga Qaaradda Amerika Ay Kaga Soo Qaybgalaan Shir-weynaha Xisbiga WADDANI Laantiisa Dalka Maraykanku, Ayaa U-jeedkiisa Lagu Sheegay Inuu Daaran Yahay Arrimo Badan Oo La Xidhiidha Shaqooyinka Kala Duwan Ee Bah-weynta Xisbiga WADDANI Laantiisa Dalka Maraykanka U Taalla, Gaar U Diyaar Garowga Doorashadda Madaxtooyadda Ee La Filayo Inay Dalka JSL Ka Dhacdo Muddo Dhammaadka Sagaalka Bilood Ah Ee Ay Koomishanka Doorashooyinka Qaranku Sheegeen Inay Dalka Kaga Qabannayaan Doorashadda Madaxtooyadda Ee Dib Uga Dhacday Wakhtigeeddii Ay Ku Qabsoomi Lahayd Oo Ahayd 13-ka Bisha November Ee Isla Sannadkan.

Qoraalkan Kasoo Baxay Hogaanka Sare Ee Xisbiga WADDANI Laantiisa Dalka Maraykanka Ee Wargalinta Loogu Diray Dhammaan-ba Jamaahiirta Iyo Taageerayaasha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Ee Ku Dhaqan Waqooyiga Qaaradda Amerika Oo Ay Si Gaar Ah U Gaadhsiiyeen Shabakedda Caalamigaa Ee Qumannews.net Labadda MUJAAHID Ee Kala Ah Mohamed Jaamac Bursadde (Gab-yaaye) Iyo Marwo Mujaahidad Xiddigo Mohamed Eggeh, Kanna Mid Ah Hogaanka Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Laantiisa Dalka Maraykanka, Isla-markaana Ah Labadda Masuul Ee Leh Abaabulka Iyo Agaasimka Shir-weynaha Xisbiga WADDANI, Ayaa U Dhignaa Siddan Qoraalkoodda War-gelinta Ahi "Kulankanni Wuxuu Daaran Yahay Dardargalinta Iyo U Diyaar-garowga Doorashadda Madaxtooyadda Ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Madax-da Xisbiga WADDANI Ee Gobolku, Waxay Ku Casuumayaan Dhammaan-ba Jamaahiirta Xisbiga Inay Kasoo Qaybgalaan Kulankaas, Maalinta Hoos Ku Xusan" Ayaa Lagu Yidhi Qoraalka Kasoo Baxay Hogaanka Sare Ee Xisbiga WADDANI Laantiisa Dalka Maraykanka Ee Wargalinta Loogu Diray Dhammaan-ba Jamaahiirta Iyo Taageerayaasha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Ee Ku Dhaqan Waqooyiga Qaaradda Amerika.

Iyaddoo Ay Shir-weynaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI, Laantiisa Dalka Maraykanka Ay Si Rasmiya Uga Soo Qaybgalayaan, Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Ee Gobolka Minnesota Eng Axmed Cabdilaahi, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Md Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Caddaani (Caddaani) Iyo Xubno Sare Oo Ka Mid Ah Hogaanka Sare Ee Xisbiga WADDANI Ee Kala Ah Mujaahid Eng Cabdiraxmaan Daahir Aadan Iyo Mujaahid Qoddax. 

Tifaftire Khaddar Ali Khum "Shiine"
Shabakedda Caalamigaa Ee Qumannews.net 
Har/Office.

Isha Ku Hay Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net Goor Kasta Iyo Goob Kasta Oo Aad Joogto Ama Ku Sugan Tahay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured