![]() "Muuse Biixi Sifo Sharci Ah Ayuu Ku Noqday Madaxweyne, Sharci Darro-na Kuma Joogi Karo Kursiga,13-ka November, Madaxweyne Uma Aqoonsanin" Hogaamiyaha Aqlabiyadda Shacabka JSL.
Ceerigaabo (QMN)- Hogaamiyaha Hantiyey Quluubta Shacabka Reer Somaliland, Dhiigooddanna
Raacay Ee Dr Cabdiraxmaan Mohamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Cirro) Oo Saaka Xaruunta Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Ee Magaaladda Ceerigaabo Kula Hadlayey Jamaahiirta Iyo Taageerayaasha Isbadel Doonka Ah Ee Xisbiga WADDANI, Ayaa Sheegay In Madaxweyne Biixi Dalka Taladdiisa Loogu Dhiibay Qaab Sharciya, Isla-markaana Wixii Ka Dambeeya 13-ka November Aanu Sharci Darro Iyo Xoog, Mid-na Ku Haysan Karin Dalka, Waxaanu Yidhi Dr Cirro "Muuse Biixi Sifo Sharci Ah Ayuu Ku Noqday Madaxweyne, Sharci Darro-na Kuma Joogi Karo Kursiga,13-ka November Marka La Gaadho, Madaxweyne Uma Aqoonsanin"
Musharaxa Jagadda Madaxweynaha Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Dr Cabdiraxmaan Mohamed Cabdilaahi (Cirro) Oo Guud Ahaanba Shacabka Ku Dhaqan Magaalo Madax-da Gobolka Sanaag Ee Ceerigaabo Ay Si Weyn Ugu Soo Dhoweeyeen Garoonka Diyaaraddaha Ee Degmadda Ceerigaabo, Ayaa Ku Nuux-nuuxsadday In Aanu Sinaba Uga Aqbalayn Muddo Kordhin Xaaraan Ah, Madaxweynaha Muddo Xilleedkiisii Dhammaadday, Dr Cabdiraxmaan Cirro, Ayaa Carabaabay Inuu Taliskii Muuse Galabadday, Isla-markaana Uu Dalku Guud Ahaanba Diyaar U Yahay Doorashaddii Madaxtooyadda, Waxaanu Yidhi Hogaamiyaha Mucaaridka Iyo Aqlabiyadda Shacabka Reer Somaliland "Muuse Waligiiba Ha Meeraysto, Wakhtigiina Wuu Ka Dhammaadday, Waanu Ka Tagayaa Kursiga. Muddo Kordhin Xaaraan Ah-na Ma Aqbaleyno, Doorasho, Ayaanu Diyaar U Nahay, Doorasho, Doorasho!" Ayuu Dr Cabdiraxmaan Cirro Musharaxa Jagadda Madaxweynaha Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Oo Xarunta Ceerigaabo Ee Xisbiga WADDANI, Kula Hadlayey Jamaahiirta Iyo Taageerayaasha Isbadel Doonka Ah Ee WADDANI.
Weftiga Uu Hogaaminayo Hogaamiyaha Hantiyey Quluubta Shacabka Reer Somaliland, Dhiigooddanna Raacay Ee Dr Cabdiraxmaan Mohamed Cabdilaahi (Cirro), Kuna Wehelinayo Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md Xirsi Cali Xaaji Xasan Iyo Masuuliyiinta Kala Duwan Oo Xisbiga Ka Tirsan, Ayaa Muddadda Ay Joogaan Degmadda Ceerigaabo Kulanno Xaasaasiya La Yeelan Doonno Wax-garadka, Aqoonyahank, Madax-da Dhaqanka Ee Gobolka Sanaag, Haweenka, Dhalinyaradda Iyo Dhammaan-ba Jamaahiirta Iyo Taageerayaasha Isbadel Doonka Ah Ee Isbahaysiga Labadda Xisbi Mucaaridka Ee WADDANI Iyo UCID.
Geesta Weftiga Musharaxa Jagadda Madaxweynaha Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Dr Cabdiraxmaan Mohamed Cabdilaahi (Cirro), Ayaa Booqan Doonna Degmadda Taariikhiga Ah Ee Maydh, Isagoo Siyaarro Iyo Duco Ugu Tagi Doonna Qabriga Awoowo Ee Sheekh Isaxaaq.
Tifaftire Khaddar Ali Khum "Shiine"
Shabakedda Caalamigaa Ee Qumannews.net
Har/Office.
Isha Ku Hay Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net Goor Kasta Iyo Goob Kasta Oo Aad Joogto Ama Ku Sugan Tahay. Leave a comment |
|
Copyright © 2013 - 2025 Quman News All Rights Reserved. - Site Designed & Developed by Ileys Inc |
"Muuse Biixi Sifo Sharci Ah Ayuu Ku Noqday Madaxweyne, Sharci Darro-na Kuma Joogi Karo Kursiga,13-ka November, Madaxweyne Uma Aqoonsanin" Hogaamiyaha Aqlabiyadda Shacabka JSL.
Ceerigaabo (QMN)- Hogaamiyaha Hantiyey Quluubta Shacabka Reer Somaliland, Dhiigooddanna