Weftiga Dr Cabdiraxmaan Cirro Oo Xildhibaan Cumar Jaamac Faarax Iyo Wax-garadka, Aqoonyahanka, Odayaasha Dhaqanka Ee Beeshiisa Oo Kulan Gaar Ahi Ku Dhexmaray Ceel Af-weyn.

0
Saturday November 05, 2022 - 19:43:40 in by Super Admin
  • Visits: 274
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weftiga Dr Cabdiraxmaan Cirro Oo Xildhibaan Cumar Jaamac Faarax Iyo Wax-garadka, Aqoonyahanka, Odayaasha Dhaqanka Ee Beeshiisa Oo Kulan Gaar Ahi Ku Dhexmaray Ceel Af-weyn.

    Ceel Af-weyn (QMN)- Weftiga Balaadhan Ee Uu Hogaaminnayo Musharaxa Jagadda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ceel Af-weyn (QMN)- Weftiga Balaadhan Ee Uu Hogaaminnayo Musharaxa Jagadda
Madaxweynaha Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), Ayaa Degmadda Ceel Af-weyn Ee Gobolka Sanaag Shir Balaadhan Kula Yeeshay Cuqaasha, Odayaasha Dhaqanka Iyo Wax-garadka Degmadda Ceel Af-weyn, Gaar Ahaan Beel-weynta Biciidde.

Kulankan Dhexmaray Weftiga Dr Cabdiraxmaan Cirro Iyo Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md Xirsi Cali Xaaji Xasan, Ayaa Ahaa Mid Si Gaar Ah U Dhexmaray Xildhibaan Cumar Jaamac Faarax Oo Ka Tirsan Golaha Wakiiladda Somaliland Iyo Cuqaasha, Odayaasha Dhaqanka, Wax-garadka, Aqoonyahanka Ee Beeshiisa, Waxaana Hogaanka Sare Ee Xisbiga WADDANI Iyo Beesha Xildhibaan Cumar Jaamac Faarax Si Weyn Loogu Falanqeeyey Kulankooddan Xaaladdaha Kala Duwan Ee Guud Ahaanba Dalka Ka Taagan Wakhti Xaadirkan. Iyaddoo Si Weyn Ay U Taageereen Cuqaasha, Odayaasha Dhaqanka, Wax-garadka, Aqoonyahanka Beel-weynta Biciidde Dhammaan-ba Qoddobaddii Ay Sidda Gaarka Ah Uga Wadda Hadleen Hogaanka Sare Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI.

Weftiga Balaadhan Ee Uu Hogaaminnayo Musharaxa Jagadda Madaxweynaha Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), Kanna Mid Yihiin Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md Xirsi Cali Xaaji Xasan, Guddoomiye Ku Xigeennadda Xisbiga WADDANI Md Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi (Xamarje), Md Maxamed Xaaji Yuusuf Axmed (Waabeeye) Iyo Masuuliyiin kale Oo Xisbiga Ka Tirsan, Ayaa Soo Maray Degmooyinka Ceerigaabo, Maydh Iyo Deegaannadda Hoos Yimaadda, Iyagoo Kulanno Xaasaasiya La Soo Yeeshay Cuqaasha, Odayaasha Dhaqanka, Wax-garadka, Aqoonyahanka, Dhalinyaradda Iyo Haweenka Dhammaan-ba Gobolka Sanaag.

Tifaftire Khaddar Ali Khum "Shiine"
Shabakedda Caalamigaa Ee Qumannews.net
Har/Office.

Isha Ku Hay Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net Goor Kasta Iyo Goob Kasta Oo Aad Joogto Ama Ku Sugan Tahay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured