Laanta Norway Ee Xisbiga WADDANI Oo Soo Bandhigay Arrimo Dul Hogannaya Safar Ku Tagay Dalkaas Agaasimaha Guud Wasaaradda Caafmaadku.

0
Saturday November 05, 2022 - 20:22:15 in by Super Admin
  • Visits: 86
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Laanta Norway Ee Xisbiga WADDANI Oo Soo Bandhigay Arrimo Dul Hogannaya Safar Ku Tagay Dalkaas Agaasimaha Guud Wasaaradda Caafmaadku.

    Oslo (QMN)- Masuuliyiinta Laanta Dalka Norway Ee Xisbiga WADDANI, Ayaa Soo Bandhigay Arrimo Dul

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Oslo (QMN)- Masuuliyiinta Laanta Dalka Norway Ee Xisbiga WADDANI, Ayaa Soo Bandhigay Arrimo Dul
Hogannaya Safar Ku Tagay Dalkaas Agaasimaha Guud  Wasaaradda Caafmaadka Somaliland Dr Xergeeye.

Qoraal Ay Masuuliyiinta Sare Ee Xisbiga WADDANI Ee Dalka Norway Kasoo Saareen Safarka Dalkaas Uu Ku Tagay Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, Waxa Uu U Dhignaa Siddan "Masuuliyiinta Xisbiga Mucaariidka Ah Ee Waddani Ee Dalka Norway  dabagal balaadhan ku sameeyay Safarka Agaasimaha Guud  Wasaaradda Caafmaadka (Xeergeeye) uu ku joogo DalkaNorway! 

Masuuliyiintaayaa Qodobadan hoos ku xusan ku koobaya dabagalka: 

Ka dib baadhitaano aanu galanay waxaa noo soo baxay in aanu Agaasimaha Guud ee Wasaarada 
Caafmaadku haba yaraate wax martiqaad formel ah aanu ka helin laamaha Caafmaadka ee DalkaNorway. 

Lakiin ay jiri karaan kulamo yar yar oo gole kafuul ah si loo helo sawiro iyo muqaalo fududeeya in la 
mijraahabaabiyo shacbigeena xumadaysan (propaganda). 

Agaasimahu wuxuu ka dhuumanayaa musuqmaasuqa dul-hoganaya dhakhtarka iyo Wasaarada 
Caafmaadka ee Somaliland. 

Akhriste ka soo qaad in aanad kalsooni ku qabin qoraalkayga. Si aan kuu dareensiiyo in wax wayni 
qaladanyihiin iiga jawaab su’aalahan adigoo la kaashanaya garashadaada saxda ah: 
1- Sidee ayay suurto gal u tahay in agaasimihii dhamaa ee wasaaradu uu safar u baxo xilli 
shacabi badani u sakaraadayaan xumad aan la cadayn waxay tahay, loona geeriyooday? 

2- Miyaanay ahayn maalintii ugu haboonayd ee agaasinkiisa iyo shaqo wanaagiisa uu soo 
bandhigi lahaa? Ma maalin safar loo baxaa? 

3- Inta aan safar loo bixin ama aan aduunyada kaalmo la waydiisan wax ka horaysa in lays 
waydiiyo Somaliland misaaniyad intee leeg ayay galisaa barnaamijkeeda caafmaadka? 

Marka hore ayaabay dawladu caafmad xumada jirta ka badheedhay. Muxuu tarayaa safar 
dibadeed markaas? Ma Norway ayaa barnaajimka caafmaadkeena masuul ka noqonaysa? 
YAAB! 
Sida ku cad barnaamijka misaaniyada 2022, Somaliland 6.10% ayay Barnaamijka caafmaadka galisaa! 
Bal ii sheeg wadan aduunyada boqolkiiba lix kaliya ku bixiya barnaamijkiisa caafmaadka? 
- Ku darsoo oo shaqsiyaadka ku magacaaban xafiiska Somaliland Mission In Norway, 
xirfadooda iyo aqoontooda oo hoosaysa darteed lama laha wada shaqayn Dawlada Norway. 
Mana jiraan mashaariic udhexeeya Somaliland iyo Norway. Caawimooyinka faro ku tiriska 
ahi haaydo madax banaan ayay maraan.
- Safiir Maxamed Liinan isaga ayaan xidhiidh la yeelan lahaa Norway hadii uu karti, aqoon iyo 
capacity-geeda leeyahay. «Riyo haddii Ay Dub leeyihiin Dabadooda Ku Qarin Lahaayeen» 

Aqoonta iyo Xirfada xadidan ee Safiirku waa ta keentay in shakhsiyaad kale oo aan 
Somaliland xil iyo shaqo toos ah midna ka ahayn uu iska soo horaysiiyo markii uu madaarka 
Oslo ku qaabilayay agaasimaha. Shakhsiyaadkaas oo safiirka ka caawin kara inay u soo 
kaxeyaan laba qof oo cad cad oo safiirka iyo agaasime Xeergeye sawiro la gala. 

- Xasuusin: Wadani-Norway waxay si hoose ula xidhiidheen ilo xogogaal u ah qadiyadan
kuwaas oo ku sugan guddo iyo dibadba. 
- Gunaanad; Rag sagaashanka dhaafay oo gadhka saynta gamaankiyo kabad soohan la moodo 
ayaa sambab loo lulayaa oo baruur saafi ah mooday oo la sii jeedinayaa. Waanu idin 
arkaynaa!!!

Qoraalkan waxaa si wada jir ah u soo saaray Masuuliyiinta Xisbiga Waddan Ee Dalka Norway".

Tifaftire Khaddar Ali Khum "Shiine"
Shabakedda Caalamigaa Ee Qumannews.net
Har/Office.

Isha Ku Hay Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net Goor Kasta Iyo Goob Kasta Oo Aad Joogto Ama Ku Sugan Tahay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured