"Dhinaca Mucaaridka Ma Jiro Maamuus Ahaan Cid Ka Saraysa Guddoomiyaha Wakiiladda" Siyaasi MUJAAHID Cali Gurey.

0
Monday November 14, 2022 - 20:17:14 in by Super Admin
  • Visits: 113
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Dhinaca Mucaaridka Ma Jiro Maamuus Ahaan Cid Ka Saraysa Guddoomiyaha Wakiiladda" Siyaasi MUJAAHID Cali Gurey.

    Hargeysa (QMN)- Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Gurey), Ayaa Si Weyn U Dhoweeyey Go'aanka Ay Isbahaysiga Labadda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (QMN)- Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Gurey), Ayaa Si Weyn U Dhoweeyey Go'aanka Ay Isbahaysiga Labadda
 Xisbi Mucaaridka Ee WADDANI Iyo UCID Ay Maamuuska Dhanka Sharciga Iska Taageen Guddoomiyaha Baarlamaanka JSL Md Cabdirisaaq Khaliif Axmed Inuu Ugu Muddan Yahay, Haddii Ay Dhacdo In Loo Baahdo Qof Dalka Gaadhsiiya Doorashadda Madaxtooyadda, Maaddaama Oo Uu Guddoomiye Khaliif Yahay Masuulka Qaranka Ugu Sareeya Ee Muddo Xilleedkii Sharciga Ahaa Ee La Soo Doortay Ku Gudda Jira Wakhti Xaadirkan.

MUJAAHID Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Gurey) Oo Barta Uu Facebookga Ku Leeyahay Ku Baahiyey Qormo Uu Ku Qeexay Saxnimadda Odhaahda Kasoo Isbahaysiga Labadda Xisbi Mucaaridka Ee WADDANI Iyo UCID Ay Sharci Ahaan Ugu Maamuuseen Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif Axmed Madaxweynaha Ku Meelgaadka Ah Ee JSL, Gaadhsiin Doonna Doorashooyinka Qaranka Somaliland, Haddii Ay Dhacdo In Loo Baahdo Qof Dalka Gaadhsiiya Doorashooyinka.

MUJAAHID Cali Maxamed Yuusuf (Cali Gurey), Wuxuu Yidhi Siddan "Golaha Wakiiladda Iyo Goleyaasha Deegaannadda Ee muddo xileedyaddii Sharciga ahaa ku jira iyaga la iskuma haysto sharciyadooda saw maaha? Waxa la isku haystaa Xukuumadda (Madaxwaynaha, ku Xigeenkiisa, Iyo  Wasiiraddiisa) Iyo Xildhibaannadda Guurtidda oo aan Sharci ku fadhiyin.

Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraddaha iyo Ha'yaddaha Qarankanna ma saamaynayo khilaafka Siyaasaddu oo iyagu hawlmaalmeedkooda way wadanayaan iyaga ayaana wasaaradihii iyo haya’dihii ka sii masuul ahaanaya inta la gaadhayo heshiis doorashooyinka ah. 

Dabcan Ciidanka Qaranka hadii aan si qaldan loo adeegsanin iyaguna waa lama taabtaan. Haya’daha amniga ee kale laftooda hawlahoodu waa muhiim hadii Taliyaha Ciidanka Bilaysku aanu ku xadgudbayn xuquuqda muwaadinka.

Sidaa daraadeed dhinaca mucaaridka ma jiro maamuus ahaan cid ka saraysa Guddoomiyaha Wakiilada. Dabcan dhinacooda waa mawqif sax ah oo ay ka dhaqaaqi karaan Haddii xaaladda khilaafka Siyaasaddu halka uu gaadhay iyo meel ka sii xun uu gaadho".

#Fadlan Waa Noo Mihiim Ka Mid Noqoshadda Page-ka Saar #Like And #Following, Si Aad U Hesho Wararka Iyo Wixii Barnaamijyo Ah Ee Aan Daggalkayga Aanu Ku Baahiyo. "MAHADSANID".

Tifaftire Khaddar Ali Khum "Shiine"
Shabakedda Caalamigaa Ee Qumannews.net
Har/Office.

Isha Ku Hay Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net Goor Kasta Iyo Goob Kasta Oo Aad Joogto Ama Ku Sugan Tahay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured