"Qaranimadda Somaliland Dastuur Bay Ku Dhisan Tahay. Dastuur Kuna Waa Heshiis Shacab Oo Lagu Bedeli karo Uun Aftiddii Lagu Ansixiyey" MUJAAHID Maxamed Jaamac Gabyaaye.

0
Friday November 18, 2022 - 18:42:20 in by Super Admin
  • Visits: 90
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Qaranimadda Somaliland Dastuur Bay Ku Dhisan Tahay. Dastuur Kuna Waa Heshiis Shacab Oo Lagu Bedeli karo Uun Aftiddii Lagu Ansixiyey" MUJAAHID Maxamed Jaamac Gabyaaye.

    Minneapolis (QMN)- MUJAAHID Mohamed Jaamac Bursadde (Gab-yaaye) Oo Ka Mid Ah Hogaanka Sare Ee Xisbiga Mucaaridka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Minneapolis (QMN)- MUJAAHID Mohamed Jaamac Bursadde (Gab-yaaye) Oo Ka Mid Ah Hogaanka Sare Ee Xisbiga Mucaaridka
 Ah Ee WADDANI Laantiisa Dalka Maraykanka, Ayaa Si Weyn Uga Hadlay Nidaamka Dimuqraadiga Iyo Dawlad Wanaagga JSL.

Mohamed Jaamac Bursadde (Gab-yaaye) Oo Qormo Dheer Ka Diyaariyey Nidaamka Dimuqraadiga Iyo Dawlad Wanaagga JSL, Waxa Uu Ku Yidhi Siddan "Qaranimadda Somaliland Dastuur bay ku dhisan tahay. Dastuur kuna waa Heshiis Shacab oo lagu bedeli karo uun Aftidii lagu ansixiyay markii hore mid la mid ah.

Dastuurku wuxuu si cad oo aan madmadow ku jirin u tilmaamayaa in cidda Madaxweyne Somaliland ka noqonaysaa ku imanayso nidaam doorasho Dimoqraadi ah oo Qof iyo Cod ah. Muddo xileedka Madaxweynaha nidaamkaas ku yimaadaana waa 5 sanno. 

Waxaa waajib ku ah Madaxweynaha la doortay iyo Xukuumadiisa inay Doorasho tii uu ku yimid oo kale ah ku qabato inta aanay 5 ta sanno dhammaanin. 

Cudurdaarka keliya ee aan Doorasho loo qaban karini waa haddii ay timaado Duruuf Amni xumo  oo aan suurtagal ka dhigayn in Doorasho la qabto. Duruuftaasi weli ba waa inay ahaataa mid cad oo darafyada siyaasadu isla qirsan yihiin, islana ogol yihiin. Waana inuu ahaadaa go'aan Qaran oo loo dhan yahay. 

Sida aynu og nahay Dalka Colaado iyo Masiibooyin toona kama dhicin. 

Sidaas marka ay tahay caawa ma jirto hal dood oo maangal ah oo aan ka ahayn in Madaxweynihii hore iyo Xukuumadiisu ba fashilmeen islamarkaasna Dastuurka Dalka u qoran jebiyeen. 

Dariiq kasta oo ay ku sii joogaana maaha mid Sharci ah, waana mid Talo maroorsi iyo Kelitalismo ah.

Qaranimadu waa wax ka wayn oo aad uga xajmi iyo gundheer Damaca qof ama koox. 

Caawa laga bilaabona waxaa Masuuliyadi si toos ah u saarmaysaa Muwaadin kasta Qaranjoog iyo Qurbajoog ba oo jecel Dawladnimada, Xorriyada Nafaha boqolaalka kun ah aynu u sadqaynay iyo horumarka aynu ku talaabsanay 31kii sanno ee tegay inuu isutaago badbaadinta Somaliland inay inagaga dhacdo Daluun dheer oo aan dib looga soo saari karin. 

Ugu dambayn waxaan kula dardaarmayaa dhammaan taageerayaasha baaxadawayn ee Xisbiyada Mucaaradka ee dhammaan deegaanada Somaliland iyo Qurbuhuba inay taageeraan Mawqifka Sharciga ah ee ay Xisbiyada mucaaradku maanta soo saareen. 

Inaad Xaqqa iyo Sharciga taageertaan islamarkaasna diidaan Sharcidarrada iyo Baadilku waa Cibaado.

Allahu Akbar".

Tifaftire Khaddar Ali Khum "Shiine"
Shabakedda Caalamigaa Ee Qumannews.net
Har/Office.

Isha Ku Hay Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net Goor Kasta Iyo Goob Kasta Oo Aad Joogto Ama Ku Sugan Tahay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured