"Go'aankii Shalay Ee Xisbiga KULMIYE, Waxayna La Mid Tahay Maalintii La Toogtay General Caynaanshe Iyo General Gabayle" Xildhibaan Siciid Cabdisamad Cudhay .

0
Sunday November 20, 2022 - 18:00:00 in by Super Admin
  • Visits: 75
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Go'aankii Shalay Ee Xisbiga KULMIYE, Waxayna La Mid Tahay Maalintii La Toogtay General Caynaanshe Iyo General Gabayle" Xildhibaan Siciid Cabdisamad Cudhay .

    Hargeysa (QMN)- Xildhibaan Siciid Cabdisamad Cudhay Oo ka Mid Ah Golaha Deegaanka Ee Degmadda Hargeysa, Ayaa Si Adag

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (QMN)- Xildhibaan Siciid Cabdisamad Cudhay Oo ka Mid Ah Golaha Deegaanka Ee Degmadda Hargeysa, Ayaa Si Adag
 U Cambaareeyey Go’aankii Dastuur Jabinta Ahaan Ee Kasoo Baxay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md Muuse Biixi Cabdi.

Xildhibaan MUJAAHID Siciid Cabdisamad Cudhay, Ayaa Sheegay Inuu Go’aankan Uu Xisbiga KULMIYE Ku Sheegay In Aanay Qaranka Wax Xaquuq Ah Ku Lahayd Labadda Xisbi Mucaarid Ee WADDANI Iyo UCID Ay Si Cad Uga Soo Hor-jeeddo Qodobka 9-aad Ee Dastuurka JSL Iyo Dawladnimadda, Isla-markaanna Ay Marag U Tahay Inuu Dalku U Guuray Dal Xisbi Kaliya Uu Taliyo.

Xildhibaan MUJAAHID Siciid Cabdisamad Cudhay Oo Qoraal Uu Ku Baahiyey Barta Uu ku Leeyahay Facebook-ga, Waxaanu Yidhi Xildhibaan MUJAAHID Siciid Cabdisamad Cudhay "Go’aankii Shalay Ee Xisbiga KULMIYE Kasoo Baxay Waxay Marag U Tahay In Dalkii U Guuray Xisbi Kaliya, Waxayna La Mid Tahay Maalintii La Toogtay General Caynaanshe Iyo General Gabayle.

Siddoo kale Go’aankaas Wuxuu Ka Hor Immanayaa Qodobka 9-aad Ee Dastuurka JSL Iyo Dawladnimadda-ba!" Xildhibaan Siciid Cabdisamad Cudhay Oo ka Mid Ah Golaha Deegaanka Ee Degmadda Hargeysa.

Tifaftire Khaddar Ali Khum "Shiine" 
Shabakedda Caalamigaa Ee Qumannews.net
Har/Office.

Isha Ku Hay Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net Goor Kasta Iyo Goob Kasta Oo Aad Joogto Ama Ku Sugan Tahay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured