Xoghayaha Diiwaan-galinta Ee Xisbiga WADDANI Laanta Maraykanka Oo Faahfaahin Dheeriya Ka Bixiyey Shir Xisbigu Ku Qabanayo Dalkaas.

0
Tuesday November 01, 2022 - 09:37:10 in by Super Admin
  • Visits: 405
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoghayaha Diiwaan-galinta Ee Xisbiga WADDANI Laanta Maraykanka Oo Faahfaahin Dheeriya Ka Bixiyey Shir Xisbigu Ku Qabanayo Dalkaas.

    Minneapolis (QMN)- Xoghayaha Diiwaan-galinta Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI, Laantiisa Dalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Minneapolis (QMN)- Xoghayaha Diiwaan-galinta Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI, Laantiisa Dalka
 Maraykanka Md Cabdisalaan Cawil Dirir, Ayaa Faahfaahiyey Shir Balaadhan Oo Uu Xisbiga WADDANI 05/11/2022 Ku Qabanayo Magaalo Madax-da Gobolka Minnesota Ee Minneapolis.

Md Cabdisalaan Cawil Dirir Isagoo Ku Sugan Dalka Maraykanka, Ayaa Wareysi Uu Si Gaar Ah U Siiyey Mr Khaddar Ali Khum Tifaftiraha Guud Ee Shabakedda Wararka Qumannews.net Faahfaahin Dheeriya Kaga Bixinnayey, Waxyaabaha Uu Daaran Yahay Shirkan Laanta Dalka Maraykanka Ee Xisbiga WADDANI Ku Qabanayo Gobolka Minnesota Ee Dalkaas.

Xoghayaha Diiwaan-galinta Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI, Laantiisa Dalka Maraykanka Md Cabdisalaan Cawil Dirir, Ayaa Ugu Horeynba Shaaciyey U-jeedka Dhabta Ah Ee Ay Masuuliyiinta Sare Ee Xisbiga WADDANI Ee Dalka Maraykanka Uga Dan Leeyihiin Shirka, Wuxuuna Sheegay Inuu Daaran Yahay Arrimo Kala Duwan, Isla-markaana Aad U Mihiim Ah.

Qoddobadda Uu Salka Ku Hayo Qabsoomidda Shirka Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI, Laantiisa Dalka Maraykanka, Ayuu Xoghaye Cabdisalaan Cawil Dirir, Tilmaamay Inay Ka Mid Yihiin Dardargalinta Hawlaha Iyo Ka Midho Dhalinta Qorsheyaasha Xisbiga Ee Ay Ku Hawlannaayeen Masuuliyiinta Dalkaasi Muddaddii Ay Hogaaminayaan Laanta Dalka Maraykanka Ee Xisbiga WADDANI.

Xoghaye Dirir Oo Qoddob, Qoddob Isku Dul Tagaya Qoddobadda Ugu Mihiimsan Ee Uu Daaran Yahay Shirkani, Wuxuu Yidhi Siddan "Shirka Waxaa Taageero Weyn Loogu Muujin Doonnaa, Go'aankii Ay Isbahaysiga Xisbiyadda Mucaaridku, Gaar Ahaan Xisbiga WADDANI Ka Qaateen Hogaaminta Muuse Biixi, Marka La Gaadho 13-ka Bisha November Ee Maanta Bilaabmatay Oo Ah Xiliga Ugu Dambeyn Ay Si Rasmiya U Dhammaannayso Muddo Xilleedkii Shanta Sanno Ahayd Ee Loo Doortay Hogaaminta JSL. Siddoo Kale Shirkan Xisbiga WADDANI Laantiisa Dalka Maraykanku Wuxuu Taageero Iyo Is-garab Taag Adag U Muujin Doonna Dhammaan-ba Dadaalladda Ka Socda Dalka Guddihiisa Ee Xukuumadda Loogu Soo Celinnayo Tubtii Doorashooyinka Iyo Dhawrista Xayn Daabkii Uu Sal Dhiga U Ahaa Ilaalinta Sharciga Ee Uu Dastuurka JSL U Damaanad Qaadday Inay Xisbiyadda Mucaaridku Ku Ilaaliyaan Xukuumadda Uu Wakhtigeeddii Sii Dhammaanayo"

Xoghayaha Diiwaan-galinta Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI, Laantiisa Dalka Maraykanka Md Cabdisalaan Cawil Dirir, Ayaa Xusay Inuu Shirkan Xisbiga WADDANI Laantiisa Dalka Maraykanka Qabanayaan Uu Siddaas Si La Mid Ah Taageero Weyn Loogu Muujin Doonno Qoddobaddii Kasoo Baxay Shirkii Dhawaan Lagu Af-meeray Ceelka Burco Ee Xaruunta Gobolka Togdheer Ay Qabsatay Beel-weynta GAR-XAJIS, Waxaanu Yidhi Xoghaye Dirir "Siddoo Kale Shirkani Wuxuu Taageero Weyn Loogu Muujin Doonnaa Qoddobaddii Kasoo Baxay Shirkii Dhawaan Lagu Soo Af-meeray Ceelka Burco Ee Ay Qabsatay Mid Ka Mid Ah Beelaha Ugu Tunka Weyn Dalka. Gaar Ahaan Qoddobaddii Lagu Taageerayey Geeddi Socodka, Hanaanka Dimuqraadiyadda Iyo Doorashooyin Si Xor Iyo Xalaal Ah Uga Qabsooma Dalka. Iyaddoo La Og-yahay Laganna Wadda Dheregsan Yahay Warerka Iyo Walaac Weyn Ee Ay Dalalka Beesha Caalamka Ee Taageera Doorashooyinka JSL Ka Qabaan Qaabka Sharci Darradda Ah Ee Ay Xukuumaddu U Ban-jarisay Doorashooyinkii Kala Duwannaa Ee Ku Qabsoomi Lahaa Wakhtiyaddii Ay Qorsheysnaayeen Inay Dalka Ka Dhacaan. Shirkani Waxaa Ugu Mihiimsanni Waa Siddii Xisbiga WADDANI Laantiisa Dalka Maraykanku Ay U Taageeri Lahaayeen Dadaalladda Uu Xisbigu Dalka Guddihiisa Ka Waddo Iyo Garabsiinta Hiilka Dalalka Beesha Caalamka Inoogu Hiillannayaan, Kunna Taageerayaan In Aanay JSL Ku Dhicin Gacan Kalitalisnimo, Isla-markaana Xukuumadda Loogu Khasbi Lahaa Jidka Ku Dhaqanka Shuruucda Iyo Distuurka Dalka".

Xoghayaha Diiwaan-galinta Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI, Laantiisa Dalka Maraykanka Md Cabdisalaan Cawil Dirir, Ayaa Carabaabay Inuu Shirku Diiradda Saari Doonno Dardargalinta Iyo Abaabulista Hawlaha Guud Ee Uu Xisbigu Ugu Diyaar Garoobayo Guul Uu Ka Gaadho Doorashadda Madaxtooyadda Ee La Filayo Inay Ku Dhacdo Sagaal Bilood Guddahood Sidday Koomishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland Dhawaan Balan Qaaddeen, Wuxuuna Yidhi Xoghaye Dirir "Shirku Wuxuu Qiimeyn Weyn Ku Sameyn Doonnaa Hawlaha Kala Duwan Iyo Ka Midho Dhalinta Qorsheyaasha Ka Socda Laanta Dalkan Maraykanka Ee Xisbiga WADDANI, kuwaasoo Aanu Rabo Inay Noqdaan Qaar Si Weyn Uga Dhex Muuqda Dadaalladda Xisbigu Waddo Ee Uu Ku Rabbo Hannashadda Hogaaminta Dalka JSL Ee U Ooman Hogaan U Hagar Baxa. Anigoo Si Gaar Ah Ugu Amaannaya Dhammaan-ba Masuuliyiinta Kala Duwan Ee Laanta Dalka Maraykanka Ee Xisbiga WADDANI, Gaar Ahaan Guddoomiyaha Guud Ee Xisbiga WADDANI Laantiisa Dalka Maraykanka Md Faysal Maxamed Ku Dhego, Dadaalka Dheeriga Iyo Kartiddu Wehelka U Tahay Ayna Muujiyeen Isaga Iyo Hogaanka Maraykanka Muddaddii Ay Hayeen Hogaaminta Dalka Maraykanka.

Siddoo Kale Anigoo Hilmaamsanayn Kartidda Dheeraadka Ah Ee Ay Muujiyeen Hogaanka Gobolka Minnesota, Gaar Ahaan Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Ee Gobolka Minnesota Md Axmed Cabdi Cabdilaahi, Iyagoo Shirkanna Soo Qabanqaabiyey, Isla-markaana UDUB Dhexaadna U Yihiin Marti Galinta Shirkan Aad Ka U Weyn.

Ex-Wasiir Xoghayaha Arrimaha Dibadda Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Md Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani), Ayaan Si Kal Iyo Laab Ah Ugu Mahadnaqayaa, Isagoo Md Caddaani Kaalin Weyn Ka Geystay Taageeradda Hawlaha Laanta Dalka Maraykanka Ee Xisbigu Waddo, Guul Iyo Gobanimo Dhammaan-ba Jamaahiirta Iyo Taageerayaasha Xisbiga WADDANI Meel Walba Oo Ay Ku Sugan Yihiin".

Ugu Dambayn, Anigoo Ah Xoghayaha Diiwaan-galinta Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI, Laantiisa Dalka Maraykanka Md Cabdisalaan Cawil Dirir, Waxaan Ugu Baaqayaa Dhammaan-ba Jamaahiirta Iyo Taageerayaasha Isbadel Doonka Ah Ee Xisbiga WADDANI Kuna Dhaqan Waqooyiga Qaaradda America Inay Kasoo Qaybgalaan Shirkan Oo Ka Mid Ah Shirarka Ugu Mihiimsan Ee Uu Xisbigu Ku Qabto Dalalka Dibedda". 

Tifaftire Khaddar Ali Khum "Shiine"
Shabakedda Caalamigaa Ee Qumannews.net 
Har/Office.

Isha Ku Hay Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net Goor Kasta Iyo Goob Kasta Oo Aad Joogto Ama Ku Sugan Tahay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured