▪︎Ilayn Waan La Aqoone, Warda Xaashi Ninkeeddu, Waa Siyaasi Wareersan, Oo Warbaahinta Taagan.
▪︎Ilayn Waan La Aqoone, Warda Xaashi Ninkeeddu, Waa Siyaasi Wareersan, Oo Warbaahinta Taagan.
▪︎Ninka Weeye Belaayo,
▪︎Goob Wasiiraddii Joogto,
▪︎Dab Munaafaq Walwaala,
▪︎Ama Beenta Warkeedda,
▪︎Walcankeedda Aloosee,
▪︎Misna Sheegta Waddaad.
▪︎Warday Heedhe Walaalo,
▪︎Ergo Weeye Warkayguye,
▪︎Ninkan Waalan Ka Xaysoo,
▪︎Webiyaal Durduraayiyo,
▪︎Ugu Maydh War Jidhaana.
▪︎Warka Heesta Haddeerto,
▪︎Wacaashiisa Daboolan,
▪︎Iyo Daahanta Weecsan,
▪︎Haddii Aan Walqasheedda,
▪︎Wadhideeda Abbaaro,
▪︎Warda Xaashi Ninkeeddu,
▪︎Waa Adeege Dar-jiidhay,
▪︎Oo Is Waa Dabaddeedna,
▪︎Walaahowga Siyaasad,
▪︎Waajibkiisa U Qaatoo,
▪︎Wardigeeda Ku Faana.
▪︎Warda Xaashi Ninkeedda,
▪︎Cid Wanaagyo Ku Sheegta,
▪︎Marna Maynu Wareysan,
▪︎Balse Heedhe Warmooge,
▪︎Haddii Aad Warasayso,
▪︎Ama Aad Walqineyso,
▪︎Kol Winiiniga Baydhsan,
▪︎Waa Caddaan Walafkiisu.
▪︎Marna Heedhe Wareegto,
▪︎Warsamow Madaxweyne,
▪︎Ma Walwaasho Ahaanta,
▪︎Warda Xaashi Ninkeedda,
▪︎Waa Abuuro Markeedda,
▪︎Ku Wanaagsan Qofkeedda.
▪︎Warda Xaashi Ninkeeda,
▪︎Waydiintiyo Jawaabtu
▪︎Waxa weeye Abaadir,
▪︎Ninka Weeye Aan Sheegay,
▪︎Ka Walaacu Hadheeyey,
▪︎Ee kalsoonidda Waayey,
▪︎Kolkuu Waysada Qaatay.
Ex Agaasime Guud Jamal A. Muse Leave a comment |
|
Copyright © 2013 - 2024 Quman News All Rights Reserved. - Site Designed & Developed by Ileys Inc |
▪︎Ilayn Waan La Aqoone, Warda Xaashi Ninkeeddu, Waa Siyaasi Wareersan, Oo Warbaahinta Taagan.
▪︎Ilayn Waan La Aqoone, Warda Xaashi Ninkeeddu, Waa Siyaasi Wareersan, Oo Warbaahinta Taagan.