"Xildhibaan/Garyaqaan Bile Cabdi Goohe, Xisbiga WADDANI Ayuu Hiil-weyn U Muujiyey Cod, Baddanna Uga Keenay Gobolka Saraar Waana Taariikh Qoran Oo Qorantay" Muniir Axmed Cigaal.

0
Monday January 16, 2023 - 18:35:49 in by Super Admin
  • Visits: 178
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Xildhibaan/Garyaqaan Bile Cabdi Goohe, Xisbiga WADDANI Ayuu Hiil-weyn U Muujiyey Cod, Baddanna Uga Keenay Gobolka Saraar Waana Taariikh Qoran Oo Qorantay" Muniir Axmed Cigaal.

    Xildhibaan/Garyaqaan Bile Cabdi Goohe, wuxuu kamid ahaa ergadii shirweynihii Boorame 1993, wuxuu kamid aha KULMIYIHII

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan/Garyaqaan Bile Cabdi Goohe, wuxuu kamid ahaa ergadii shirweynihii Boorame 1993, wuxuu kamid aha KULMIYIHII
hore ee Siilaanyo si kasta waa laysugu tagay in wadada laga leexiyo xiligaas oo Siilaanyo Murashax Ahaa marar badana  Alle Ha U Naxariistee Cismaan Qaasim Qodax Wasiir Ahaa, lagumase guulausan, wuxuu kamid aha Murashaxiinti Golaha Wakiiladda ee 2005- Gobolka Saraar. Xisbiga WADDANI raggii Muuse Biixi iyo KULMIYE ka baydhay Ee Dr Cabdiraxmaan Cirro  dhisaayay Doorashaddii hore ee Madaxtooyadda 2017-kii, ayuu hormuud u ahaa si kasta oo laysugu dayay inuu KULMIYE iyo Muuse Biixi dhiso laakiin Xisbiga WADDANI ayuu hiilwayn u muujiyay cod badana uga keenay Gobolka Saraar waana taariikh qoran oo qorantay. Doorashaddii Baarlamaanka iyo Deegaanka ee 2021-kii wuxuu Ahaa Murashaxiinti Xisbiga WADDANI ee Sidda wayn u guulaystay isagoo iska sharaxay Xisbigii uu tacabka badan galiyay. 

Doorashaddii Shirgudoonka ee loolankeedu dab iyo naarta aha si kasta waa laysugu dayay in aanu u codayn Murashaxiintii Mucaaridka ee Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif hoggaaminayay. 

Sida kucad Taariikh-da Xildhibaan/Garyaqaan Bile Axmed Goohe hungo ayay kala kulmeen xubnihii isku daygaas guracan horboodayay siddii horeba ay hungada ugala kulmijireen. 

Waa Xildhibaan waayo arag ah, wuxuu Guddoomiyaha Maxkamada ka noqday Gobolka Togdheer, Dawladdii Soomaaliya la odhanjiray wuxuu madax sidoo kale ka noqday gobolo Soomaaliya ah gaar-ahaan Koonfurta, wuxuu leeyahay tageerayaal aan guur guurin oo ku qanacsan hoggaamintiisa, hadda wuxuu dhisayaa Murashaxii Madaxweyne ee uu Doorashaddii horena dhisaayay Cabdiraxmaan Cirro. Waxa saamayn ballaadhan yeelatay khudbad baaq ahayd  oo uu degaanka Bariga Burco u jeediyay, taas oo uu ka jeediyay Degmadda Qoryaale munaasibad wacyigalin ahayd oo Madaxda Xisbiga WADDANI ku marayeen degaanada & Gobolada Dalka.

Haddaad rabto tusaalaha nool ee mabda adkaanta iyo qiyamka qofeed ee quman waa Xildhibaan/Garyaqaan Bile Cabdi Goohe ee meel ku qoro.

Muniir Axmed Cigaal.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured