"Madax-dhaqameed, Ganacsato Iyo Muddankii Wax Maarayn Jiray "Maya" Ayaa Shalay La Yidhi, Maantanna "Maya" Ayaa La Yidhi" Qoraa Sare Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr.

0
Thursday January 26, 2023 - 00:01:39 in by Super Admin
  • Visits: 223
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Madax-dhaqameed, Ganacsato Iyo Muddankii Wax Maarayn Jiray "Maya" Ayaa Shalay La Yidhi, Maantanna "Maya" Ayaa La Yidhi" Qoraa Sare Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr.

    Hargeysa (QMN)- Qoraa Sare Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr Oo Ka Mid Ah Aqoonyahanka Iyo Dhalinyaradda Hal-abuurka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (QMN)- Qoraa Sare Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr Oo Ka Mid Ah Aqoonyahanka Iyo Dhalinyaradda Hal-abuurka
Hargeysa (QMN)- Qoraa Sare Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr Oo Ka Mid Ah Aqoonyahanka Iyo Dhalinyaradda Hal-abuurka Leh Ee JSL, Ayaa Qormo Cajiib Ah Ka Qoray Xaaladdii Siyaasaddeed Ee Uu Dalku Soo Maray Iyo Hab-dhaqankii Xummaa Ee Madaxwayne Biixi Kula Dhaqamay Muddantii Iyo Bir'ma-geydaddii Dalka Ee Inta Baddan Isku Dayey Inay Isku Xil Qaammaan Daminta Iyo Isku Soo Jiidka Dhinacyaddii Uu Khilaafka Siyaasaddeed U Dhexeeyey Ee Isbahaysiga Labadda Xisbi Mucaarid Ee WADDANI Iyo UCID Iyo Xukuumadda Wakhtigeeddii Dhammaadday Ee Muuse Biixi.

Qormadda Uu Qoraa Sare Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr Ka Qoray Xaaladda Siyaasaddeed Ee Dalku Ku Sugan Yahay Wakhti Xaadirkankan, Gaar Ahaan Kacdoonka Shacabka Reer Somaliland, Sii-ba Gobolka Daraawiisheed Ee Sool Ayuu Abwaanku Xusay Inuu Madaxweyne Biixi Hore U Xummeeyey Muddantii JSL Ee Uu La Kaashan Lahaa Xalinta Tabashadda Reer Sool, Isla-markaanna Mus-dambeedka Dhaqanka JSL Iyo Qasriga Madaxtooyaddu Kala Dhinteen. Muuse Biixi-na Uu Hadda Farro Madhan Ka Taagan Yahay Dhammaan-ba Muddantii JSL Ee Kala Ahaa Culimadda Diinta, Madax-da Dhaqanka, Ganacsatadda Iyo Wax-garadkii Dalka.

Qormadda Qoraa Sare Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr Oo Tusaale U Qaaddannaya, Xadhigii Sharci Darradda Ahaa Ee Muuse Kula Kacay Guddoomiyaha Guud Ee Guddida Beel-weynta Ismaaciil Sheekh Isaxaaq Gar-xajis, Ahna Suldaanka Guud Beelaha Dan-wadaaggo Suldaan Axmed Cismaan Cadda-gudde, Inqilaabkii Sandalladda Faca-weyn Ee Subeer Awal Ee Hadda Hogaanka U Hayo Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan Iyo Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-maddow Oo Dalkiisa Hooyo Loo Diidday Inuu Yimmaaddo Shanta Sanno Ee Biixi Talladda Hayey Iyo Guddidii Ganacsatadda Ugu Weyn JSL Oo Madaxtooyaddu Hore Ugu Shaabaddaysay Inay Ka Mid Yihiin Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI, Xiligii Ay Isu-xilqaameen Isku Jiiddista Xukuumadda Iyo Isbahaysiga Labadda Xisbi Mucaarid Ee WADDANI Iyo UCID, Waxaanu Yidhi Qormsddiisan Qoraa Sare Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr "Madax-dhaqameed, Ganacsato Iyo Muddankii Wax Maarayn Jiray "Maya" Ayaa Shalay La Yidhi, Maantanna "Maya" Ayaa La Yidhi

Sultan Hassan Sultan Abdilaahi, Suldaan Axmed Cismaan Cadagude iyo Boqor Osman Buurmadow waa saddex ka mid ah madax-dhaqameedka waaweyn ee Soomaalilaan; weliba beesha dhexe ee Isaaq. Waa mid la yidhaahdo "Xilkii baa aannu kaa qaadnay", mid la xidho iyo mid loo diido in uu dalka soo galo. 

Waa raggii marka ay xaaladuhu adkaadaan wax furdaamin jiray ee ahaan jiray mus-dambeedka ummadda. Intan uun maaha; sannadkii hore waxa aan dheg loo jalaq siinnin ergadii dhaqanka iyo ganacsatada ahayd ee isku deyay inay dhexdhexaadiyaan xukuumadda iyo xisbiyada. Waxa gebi ahaantood warka lagu soo koobay "Wada hadli maynno raggaas". 

Hore ayaa loo yidhi "Is-adkaynta ragna waa ku talo-segaa, dumarkuna way ku tag seegaan", ereyga tag waa nasiib iyo calaf. Maanta dhammaantood ma joogaan meel laga waco oo ay furdaamin ka galaan ama ay aragtidooda ka dhiibtaan. Weliba xaajadii doorashada ee ay isu xilqaameenna halkeedii baa ay taagan tahay; waa miino kale oo qarxi karta saacaddii ay doonto.

In badan oo ay xaajadu ka dhawayd halka ay maanta taagan tahay ayaa dhegaha la daboolay, indhahana la xidhay. Waxa la guranayaa midho hore loo beeray oo talo-goosasho, irdhayn iyo amar-ku-taaglayn ah".

Saxafi Khaddar Ali Khum "Shiine" 
Shabakedda Caalamigaa Ee Qumannews.net
Har/Office.

Isha Ku Hay Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net Goor Kasta Iyo Goob Kasta Oo Aad Joogto Ama Ku Sugan Tahay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured