Xoghayaha Dalalka Yurub Ee Xisbiga WADDANI Oo Soo Bandhigay Nidaamka Dimuqraadiga Iyo Hanaanka Dawlad Wanaagga Ee Uu Xisbigiisu Ku Hogaamin Doonno Dalka JSL.

0
Thursday November 03, 2022 - 18:47:53 in by Super Admin
  • Visits: 1589
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoghayaha Dalalka Yurub Ee Xisbiga WADDANI Oo Soo Bandhigay Nidaamka Dimuqraadiga Iyo Hanaanka Dawlad Wanaagga Ee Uu Xisbigiisu Ku Hogaamin Doonno Dalka JSL.

    London (QMN)- Xoghayaha Dalalka Yurub Ee Xisbiga WADDANI Md Maxamed Carab Wacays, Ayaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

London (QMN)- Xoghayaha Dalalka Yurub Ee Xisbiga WADDANI Md Maxamed Carab Wacays, Ayaa
 Si Weyn Uga Hadlay Nidaamka Dimuqraadiga Iyo Dawlad Wanaagga Ay Uu Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Ku Hagi Doonno JSL, Hadduu Alle Yidhaahdo.

Md Maxamed Carab Wacays Xoghayaha Dalalka Yurub Ee Xisbiga WADDANI Oo Qormo Dheer, Kanna Kooban 11 Qoddob Oo Xisbiga WADDANI Uu Dalka Ku Hogaamin Doonno, Ku Caddeeyey Sababta Uu Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Ugu Dooray Shacabka Wakiilka Uga Yahay Ka Mid Ahaanshaha Xisbiga WADDANI.

MUJAAHID Maxamed Carab Wacays Xoghayaha Dalalka Yurub Ee Xisbiga WADDANI Oo Isagoo Ku Sugan Dalka Ingiriiska Si Gaar Ah Ula Soo Waddaagay Qormaddiisan Shabakedda Caalamigaa Ee Qumannews.net, Ayaa Ugu Horeynba Ku Yidhi Siddan "Siyaasadda Aanu Tageeraynaa Ee Aanu La dhacsanahay waa mabadiida xisbiga aanu ka tirsanahay ee WADDANI. kaas ayaa ah ka aanu shacab-kayaga reer Somaliland kaga wakiilka nahay ee ay nagu doorteen, kuna hogaamin doono wakhtigeeda, insha allah,

(1) WADDANI wuxuu hirgelinayaa doonista aan nasashada lahayn ee ay dadka Jamhuuriyadda Somaliland Qarannimaddooda ugu raadinayaan aqoonsi caalami ah iyo in ay dhistaan bulsho ku dhaqan xornimo iyo Caddaalad. 

(2) WADDANI wuxuu sugayaa sinnaanshaha buuxa ee muwaadiniinta Jamhuuriyadda Somaliland, korriinka dheelli-tiran ee gobollada dalka iyo saami-qaybsiga kuraasta iyo khayraadka dalka oo si caddaalladd ah loo qaybsado.

(3) WADDANI wuxuu hirgelinayaa ku-dhaqanka qaynuunka iyo xeerarka dalka u yaala iyada oo la dhawrayo xorriyadaha asaasiga ah iyo badbaadada dadka.

(4) WADDANI wuxuu hogaaminayaa qaran ku ab-tirsada taariikhdiisa hodanka ah ee kasoo xidhiidhsan xaddaaradii Awdal, boqortooyadii bariga Sanaag, halgankii Daraawiishta, halgankii lala galay gumaystihii reer yurub, iyo halgankii dibu-xoreynta SNM. 

(5) WADDANI wuxuu si buuxda ugu  dhaqmayaa una ilaalinayaa Distuurka Jamhuuriyadda Somaliland, xeerarka qaranka iyo wada-tashiga Dimuqraadiga ah.

(6) WADDANI wuxuu ku barbaarinayaa taageerayaashiisa tartanka xalaasha ah ee Doorashooyinka, Iyo Nidaamka Dimuqraadiga wadatashiga ah iyo qaybaha kale ee nolosha bulshada oo dhan.

(7) WADDANI wuxuu balan qaadayaa ku-dhaqanka hab xisaabeedka Maaliyaddeed Oo daah- furan iyo isla-xisaabtan joogto ah, dhamaystirka mashaariicda qaran ee ahmiyadda u leh kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

(8) WADDANI wuxuu ilaalinayaa xuquuqda qaybaha bulshada ee dulman ee ay ka midka yihiin beelaha dulman, haweenka, dhalinyarada, iyo naafada; isaga oo dammaanad- qaadaaya in ay si buuxda uga qayb- galaan qaab- dhismeedka Xukuumadda. 

(9) WADDANI wuxuu hirgelinayaa dhaqanka suuban ee diinta islaamka, akhlaaqiyaadka iyo dhawrsanaanta shaqo; waxaa ka- reeban Barnaamijka Siyaasiga ee xukuumada Xisbiga WADDANI, wax kasta oo ka soo horjeeda diinta Islaamka. 

(10) WADDANI wuxuu ka soo horjeedaa nooc kasta oo takoor ah oo bulshadda Jamhuuriyadda Somaliland, u kala qaybinaaya Qabaa'il, jinsi, Gobol, iyo nooc kasta oo kale oo kala qoqob ah.

(11) WADDANI wuxuu la dagaalamayaa isku- day kasta oo wax u dhimaaya Midnimadda Ummadda Jamhuuriyadda Somaliland, Dhammaanshaha Dhul Ahaaneed, Nabadda iyo Degganaanshahaba.  

Wabillahi Tawfiiq".

Tifaftire Khaddar Ali Khum "Shiine"
Shabakedda Caalamigaa Ee Qumannews.net
Har/Office.

Isha Ku Hay Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net Goor Kasta Iyo Goob Kasta Oo Aad Joogto Ama Ku Sugan Tahay.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured