Kala Doorashadda Gobonimadda Iyo Gunimadda.

0
Thursday October 24, 2024 - 23:19:54 in by xasan siyoore
  • Visits: 168
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kala Doorashadda Gobonimadda Iyo Gunimadda.

    Xukuumadda Musharrax Muuse Biixi saddex jeer ayay kibir iyo xaqdarro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadda Musharrax Muuse Biixi saddex jeer ayay kibir iyo xaqdarro
igu xidhay. Buuggii aan qoray ee Mayal ayay sannad iyo siddeed bilood si aan sharci ahayn u xanibtay oo haysatay. 

Kun jeer ayaa la igu handaday in aan dalka ka baxo, haddii kale aan ka shanlayn doono. Markii aan tayda ka nixi waayay ee aan ka baqan waayay, si dalka aan uga baxo waxa ay culayskii u wareejiyeen qoyskayga. Waxa ay hanjabaad iyo xadhig ku bilaabeen walaalahay. 

Sirdoonka Leexsan ayaa walaalkay oo iga yar Noradiin Abees suuqa ka qaatay, oo indhaha ka xidhay, oo guri u gaar ah ku xidhay, waxaanay shuruud uga dhigeen si loo sii daayo in aan dalka ka baxo, maalinta ayaan damqaday oo aan dalka ka baxay.

Sannad iyo lix bilood kadib markii aan dalka ka baxay, ayaa Ilaahay ha u naxariistee walaalkay Mustafe Abees, nin askari ahi gurigayaga hortiisa xabad wadnaha kaga dhuftay. Sidaas baan dalka ugu soo laabtay, aniga oo aan kala jeclayn waxa ay yeelayaan. Dilka walaalkay godobtiisa uma haysto askari amar qaata, ee cidda aan u raacayno waan isla ognahay qoyska reer Aadan Cismaan. 

Buuggii ay sannadka iyo siddeedka bilood haysteen, oo aanay sababayn wixii ay ku qabsadeen iyo wixii ay ku sii daayeen ayay yidhaahdeen waannu fasaxnay. 

Qiyaastii AHUN geeridii walaalkay Mustafe, saddex bilood iyo badh kadib waxa aan ku bandhiggay magaalada Hargeysa buuggii aan qoray ee Mayal, oo ku beegnayd sannadkan hadda aan ku jirno bishiisii labaad.

Dawladnimadda xoogeedii, dhaqaalaheedii iyo awooddeedii waxa loo isticmaalay sidii qoyskayaga madaxa la isugu galin lahaa, ee xadhigaygii u danbeeyay iyada oo Ina Biixi ka dhuumanayo uu u xalaaalaysan lahaa. 

Hooyaday oo aan weligeed saxaafad la hadal baa lagu kalifay in ay hadasho aniga oo xidhan oo aan ogayn, si ay u badbaadiso sharafkayga.

Maalinta kadib waxa aan goostay laba mid ; in aan ku dhinto difaacida xuquuqahayga iyo wax aan xaq u leeyahay. Wixii la i gaadhsiiyana rag baan ka wada hadalnay. 

Shacabka Somaliland waxa aan leeyahay ha baqanina, Ina Biixi hadduu awood leeyahay aniga ayaa uu wax iga qaadi lahaaye. Cabsi yaan dan guracan la idinkaga fushan. Gunimadu wax kale ma aha waa marka aad nolosha ka jeclaato in aad si xorriyad iyo gobonimo leh u noolaato. Xadhig waa meel soke’e dhimasho marka aad diyaar u noqoto ayaad karaamo ku dul joogi dunida. 

Maanta waxa ay ku beegan tahay sannad-guuradii koobaad ee maalintii walaalkay ninka askariga ahi uu xabadda sida kibirka ah ugu dhuftay. Ninkii walaalkay dilay ilaa maanta looma qisaasin ee sannad buu nolol sii haystaa. Waxa yaab leh ninkii walaalkay diley in jeelkii uu ku jiray aniguna aan ku jiray muddo laba usbuuc ah xadhigaygii u dambeeyay!

Dad baa ehelnimo iyo tolnimo ka hadla iyagoo Muuse Biixi u damqanaya. Intii sidaas waxshinimada ah aniga iyo qoyskaygaba la noogu dhibaataynaayey awoodda dawladnimo, ehelnimo iyo tolnimo ma jirin miyaa? Dadkaasi maalin ma noo damqadeen sida ay ugu damqanayaan ninka sidaa noola dhaqmay? Damiir heerkaas ayuu ka marayaa. 

Ilaahay ha u naxariisto walaalkay Mustafe. 

SRA.

Cabdiraxmaan Abees.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured