Waxa aan shalay arkayey dhismo la yidhi shirkada GEOSOL ayaa

0
Thursday October 24, 2024 - 23:39:29 in by xasan siyoore
  • Visits: 92
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxa aan shalay arkayey dhismo la yidhi shirkada GEOSOL ayaa

    Waxa aan shalay arkayey dhismo la yidhi shirkada GEOSOL ayaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa aan shalay arkayey dhismo la yidhi shirkada GEOSOL ayaa
 dawladda hoose ee Hargeysa guddoonsiisay. Shirkaddu waxa ay gacanta ku haysaa macaashna ka samaysaa xogtii shacabka oo gacanta loo geliyey. 

Haddaba su’aalaha aan is weydiinayaa waxa ay yihiin: 

1. Somaliland miyuu xeer uga yaallaa ilaalinta xogta muwaadinka?

2. Haddii uu xeer uga yaallo ila wadaag, haddiise aynaan  xeer u lahayn, maxay tahay sharciyadda lagu meel mariyey laguna maaraynayo xogta muwaadinka ee gacanta loo geliyey shirkadda gaarka loo leeyahay?

3. Xogta yaa leh, ma shirkadda loo gacan geliyey mise dawladda hoose? 

4. Sidee loo ilaalinayaa qofka muwaadinka ah khusuusiyaadkiisa? 

5. Maxay yihiin hab-raacyada in la dabbaqo ay tahay, si loo ilaaliyo khusuusiyaadka dadka xogtooda la bixiyey?

6. Intee ayey leeg yihiin doorsoomayaasha xogta(data variables) qof kasta laga hayaa? 

7. Sidee ayey shirkadda gaarka loo leeyahay u ilaalinaysaa ammaanka xogta muwaadiniinta? 

8. Muxuu yahay xeerka la raaciyo si dhawrsoonida iyo xafidaada xogta loo meel mariyo? 

9. Shirkadda xogta haysa, Miyaa loo ogol yahay inay gacan saddexaad la wadaagto? Maxayse yihiin shuruudaha ku qaydan xog-wadaaggu? 

10. Muxuu yahay is-afgaradka maaliyadeed ee uu jidaynayo heshiiska lala galay? 

11. Miyey jiraan xeerar dejisan oo waajibinaya la-xisaabtanka iyo daba-galka maaliyadeed? 

12. Haddii ay jiraan miyey yihiin kuwo dammaanad qaadaya daah-furnaanta iyo anshaxa xisaabaadka? 

13. Muxuu yahay xayndaabka sharci ee tahay in ay shirkaddu u hoggaansanto? 

14. Maxay yihiin tallaabooyinka shirkadda laga qaadayo, haddii ay ku xad-gudubto sharciyada xakamaynaysa? 

15. Waa maxay saamaynta mustaqbalka fog ay yeelan karto xogtan xaasaasiga ah ee dad gaar ah gacanta loo geliyey? 

16. Miyuu jiraa sharci diidaya  in aanay mudanayaasha golaha deegaanku si dadban iyo si toos ah midna uga dheefayn shirkaddan gaarka loo leeyahay?

Abwaan weedhsame


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured