"Annigu Odhan Maayo Shacbigu Ha Is-difaacaan'se Qaranka Ayaynu Difaacaynaa" Musharrax Cabdiraxmaan Cirro Oo Ballan Qaadkii Ugu Weynaa U Sameeyey Ciiddamadda Qaranka JSL.

0
Friday October 25, 2024 - 23:02:28 in by xasan siyoore
  • Visits: 158
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Annigu Odhan Maayo Shacbigu Ha Is-difaacaan'se Qaranka Ayaynu Difaacaynaa" Musharrax Cabdiraxmaan Cirro Oo Ballan Qaadkii Ugu Weynaa U Sameeyey Ciiddamadda Qaranka JSL.

    Hargeysa (QMN)- Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi "Cirro", Ayaa Ballan Qaadkii Ugu Weynaa U Sameeyey Ciiddamadda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (QMN)- Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi "Cirro", Ayaa Ballan Qaadkii Ugu Weynaa U Sameeyey Ciiddamadda
 Qaranka JSL.

Dr Cabdiraxmaan Cirro, Musharraxa Jagadda Madaxweynaha Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI, Ayaa U Ballan Qaadday Ciiddamadda Kala Duwan Ee JSL Innuu Boqolkiiba Laba Boqol Iyo Uu Mushaharaadkoodda Ugu Kordhinnayo, Isla-markaana Uu Daryeelka Caafimaadkoodda Qaranka JSL Dammaanad Qaaddayo.

Dr Cabdiraxmaan Cirro Oo Ka Hadlaya Mushaharka Ciiddamadda Iyo Daryeelkoodda, Waxa Uu Yidhi waxa aan xoojin-doonnaa daryeelka ciidanka Qaranka, waxa aan boqolkiiba 250% kor u qaadi-doonnaa mushaharaadka Ciiddamadda kala duwan ee Qaranka JSL, waxa ay heli doonaan daryeel caafimaad oo dhammaystiran"

Dr Cabdiraxmaan Cirro, Ayaa Caddeeyey In Aannay Xukuumaddiisu, Shacabka Reer Somaliland Ee Ay Ka Masuulka Tahay Ku Odhan Doonnin Is-difaaca, Balse Uu Qarankooddu Dammaanad Qaaddayo Sugitaanka Amaanka Naftoodda, Maalkoodda, Qarankooddanna Si Weyn Looga Difaaci Doonno Caddow Kasta Oo Isku Daya Innuu Waxyeello U Geysto Qarannimaddoodda, Waxaannu Yidhi Madaxweyne Dr Cabdiraxmaan Cirro "Annigu Odhan Maayo Shacbigu Ha Is-difaacaan'se Qaranka Ayaynu Difaacaynaa".


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured