Nuxurka Siddeed Qoddob Oo Sababay In Naafada Somaliland Ay U Codeyso Murashaxa Madaxweynaha WADDANI Dr Cabdiraxmaan Cirro.

0
Sunday October 27, 2024 - 20:50:15 in by xasan siyoore
  • Visits: 187
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nuxurka Siddeed Qoddob Oo Sababay In Naafada Somaliland Ay U Codeyso Murashaxa Madaxweynaha WADDANI Dr Cabdiraxmaan Cirro.

    Hargeysa(QMN)- Aqoonyahan Jaamac Ibraahim Cawad oo ah Guddoomiyihii hore ee Ururka naafada Somaliland, haddana

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(QMN)- Aqoonyahan Jaamac Ibraahim Cawad oo ah Guddoomiyihii hore ee Ururka naafada Somaliland, haddana
u dhaqdhaqaaqa xuquuqda dadka naafada ah ayaa shaaca ka qaaday inay Dadka Naafada ahi si buuxda ugu biireen Xisbiga Is-bedel doonka ah ee WADDANI.
 
War-saxaafadeed uu soo saaray Jaamac Ibraahim Cawad maanta oo nuqul ka mid ahi uu soo gaadhay Xafiiska Shabakada Wararka ee #Hayaannews,ayaa waxa uu fariin u diray dadka naafada ah iyo eheladooda oo uu ku booriyey inay u codeeyaan musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cabdiraxmaan-Cirro) oo u ordaya tartanka doorashooyinka isku sidkan ee Madaxtooyada iyo Ururada siyaasadda Somaliland ee 13-ka November 2024-ka ka qabsoomaya dalka Somaliland.
Isagoo iftiiminaya sababaha ay u taageerayaan xisbiga WADDANI, Mr, Jaamac Ibraahim Cawad waxa uu xusay sideed qoddob oo uu sheegay inay dan u yihiin naafada maanta iyo tan berriba. kuwaas oo kala ah sidan;
Qoddobka 1aad:
1- in Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan-Cirro, haddii uu guuleysto oo uu qabto hogaaminta dalka uu Wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada oo ah ta ay sida tooska ah u hoos yimaadaan dadka naafada ahi u Magacaabi doono xilalka Wasiirka iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradaas midkood uof naafo ah oo aqoon iyo waayo aragnimo u leh arrimaha naafada.
"Masuulkaas naafada ahi waxaan ka rajeynaynaa inuu hirgeliyo xeerka qabyo qoraalka ah ee ilaalinta xuquuqda dadka naafada ah" ayuu yidhi, Jaamac Cawad, waxaana uu tilmaamay in xeerkaasi yahay mid dhigaya in lasameeyo, lanahirgeiyo guddida ilaalinta xuquuqda dadka naafada ah, islamarkaana u qaabilsan qaranka arrimaha naafada.
Gudidaas oo uu sheegay inay ka koobnaan doono noocyada naafada hoos ku qoran oo kala ah sidan:
1- Naafada jidka ama socodka
2-Naafada araga
3- Naafada maqalka
4- Naafada araga iyo Maqalka 
5'-Dadka  waxbarashadu ku adag tahay 
6- Dadka garaadka naafada ka ah
7-Dadka la nool xanuunka dhimirka
8-Dadka la nool cudurada halista ah , sida Macaanka, Dhiig-karka suuxdinta iwm.
9- Dadka la nool xanuunka Albiinoos-ka
10-Dadka waayeelka ah ee da"doodu ka sareyso 70 sano
11- Dadka yar yar ama gasgaaban
12-iyo nooc kasta oo kale oo naafonimo ah oo caqabad ku ah inay  wax qabsadaan ama waxbartaan
Qodobka 2aad
In Madaxweynuhu uu degree ku magacaabi doono sanduuq dhaqaale oo lagu daryeelo dadka naafada ah iyo qoysaskooda,sanduuqaas oo ay maamuli doonaan gudidada ilaalinta xuquuqda dadka naafada ah.
Qodobka 3aad:
In qof kasta oo naafo ah oo waxbartay xukuumadu shaqaaleysiin doonto bilaa shuruud.
Qodobka 4aad
In Madaxweynuhu uu soo saari doono degreeto uu ugu sheegayo shirkad kasta  iyo loo shaqeeye kasta oo madaxbanaan ee shaqaaleya toban qof oo naafo ah, in xukuumadu ka dhaafi doonto cashuur sanadeedka ku waajibtay 25%.

Qodobka 5aad
In Xukuumada cusubi ay soo saari doonto amar ah inaan dalka laga dhisi karin dhismeyaal aanay isticmaali karin dadka naafada ah, haddii ay tahay xafiisyo, suuqyo,, Hoteelo, wadooyin iwm.
Qodobka 6aad
in Madaxweynuhu u magacaabi doono Qof Naafo ah oo aqoon iyo waaya-aragnimo uleh arimaha dadka naafada ah inuu noqdo lataliyaha Madaxweynaha ee Dadka Naafada ah ee Somaliland. 
Qodobka 7aad
Madaxweynuhu waxa uu xubno naafo ah oo aqoonyahano ah ku dari doono guddiyada Hay'adaha ay shaqadoodu sida gaarka ah u khuseyso naafada, sida guddida Waxbarashada sare iyo Hay'ada xuquuqal isaanka Somaliland.
Qodobka 8aad:
Madaxweynuhu waxa uu ka shaqeyn doona sidii xisbiyada qaranku ugu soo sharaxi lahaayeen dad naafo ah golayaasha deegaanka, iyo baarlamaanka ee doorashooyinka mustaqbalka si ay dadka naafada ahi uga qayb galaan siyaasada.
 Ugu dambayn, isagoo la hadlaya dadka naafada ah ee Somaliland, jaamac waxa uu yiri; " haddii aad tahay mid ka mid ah noocyada naafada ee aan kor ku soo sheegnay ama aad tahay qof dadkaas eheladiisa ah waxaan idinku boorinayaa inaad u codeysaan musharraxa Madaxweyne ee Xisbi Wadani idinka oo tixgelinaya arrimahaas aan kor ku soo xusay ee u danta ah naafada maanta iyo.kuwa berito".
Fiiro Gaar ah:

Cid kasta oo u baahata faah-faahin ama su'aalo ka qabta arrimahaas ha kala xidhiidhaan.Aqoon yahan Jaamac Ibraahim Cawed,  Tell. +252-634470179.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured