Prof. Axmed, intii uu hadda ku jirey siyaasadda Somaliland laba hawlood oo waaweyn ayuu galay.
Prof. Axmed, intii uu hadda ku jirey siyaasadda Somaliland laba hawlood oo waaweyn ayuu galay.
Labadaa hawlood sida uu u galay waxa ay sawir ka bixinayaan hogaamintiisa siyaasadeed. Aan qiimayno labadaa arrimood:
1. Waa inuu ku biiray Xisbiga Kulmiye, barnaamijkiisii siyaasadeed ee 2017 ayuu wax ka diyaariyey, shacabka reer Somalilandna waxa uu ka iibiyey hogaaminta Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Sahankaa hogaamineed ee uu Prof. Axmed u soo sameeyey dadkii reer Somaliland ee aqoontiisa iyo asluubkiisa aaminsanaa waxa uu ku dambeeyey dalkii oo kala taga, dhaqaalihii oo burbura, ciidankii qaranka oo burbura iyo noloshii dalka oo halis gasha. Arrinta taas ka sii dhibta badanina waa inaanu Prof. Axmed ka cudurdaaran sahankiisaa la eeday, bal se uu saacaddan doonaayey inuu dalka ku sii hayo Madaxweyne Muuse. Shacabkii reer Somaliland wey ka dhiidhiyeen, oo cod taariikhda galay ayay arrintaas ku diideen. Fashilkaas ayay arrintaasi kaga soo dhamaatay.
2. Prof. Axmed, waxa uu sameeyey ururka Hilaac. Markii uu soo baxay go’aankii ahaa in doorashooyinka la isa saaro, waxa uu ku dhawaaqay inaanu shakhsiyan ka qayb galayn tartankaa ururada, shaqadiisii jaamacadda ayaanu iskaga noqday. Waxa muuqatay inaanu arrintaas kala tashan ururkii. Markiiba khilaaf baa qarxay. Hogaankii in laga saaray ayaa lagu dhawaaqay. Kadib ayuu haddana dib u soo cararay, dabeedna ururkii dacwadiisii ayaa maxkamad gashay! Waanu tartamaynaa ayuu haddana yidhi. Waa wakhti ay bil kaliyi ka hadhay ololihii doorashada. Prof. Axmed, waxa uu taladiisa sidaa ula kacaakufayaa waa urur. Waxa aan u caddayn inuu tartan galayo iyo inaanu galayn. Waxa ka murugsan waxa uu dhaqaale u baahan yahay iyo sidii uu ku heli lahaa. Adigu qiyaas isaga oo dawladnimo dhan lagu sii dhex daayo?"
WQ- Aqoonyahan Cabdifataax Ileeye. Leave a comment |
|
Copyright © 2013 - 2025 Quman News All Rights Reserved. - Site Designed & Developed by Ileys Inc |
Prof. Axmed, intii uu hadda ku jirey siyaasadda Somaliland laba hawlood oo waaweyn ayuu galay.
Prof. Axmed, intii uu hadda ku jirey siyaasadda Somaliland laba hawlood oo waaweyn ayuu galay.