"Himmilladdii Lixaad Ee Shacabka Reer Somaliland Oo Barri, Hadduu Alle Yidhaahdo Hir-galleysa"
Hargeysa (QMN)- Barri Oo Ay Taariikh-du Tahay 12/12/2024, Waxa Xaruunta Qasriga Madaxtooyadda Ee Caasimadda Dalka Ee Hargeysa Ka Dhacaysa Laba Xafladdood Oo Isugu Jirra
Xil Wareejin Dastuuriya Iyo Caleemo Saarka Madaxweynaha La Doortay Ee JSL Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cigaal Cabdiraxmaan Cirro.
Munaasibaddan Waxa Si Rasmiya Xilka Madaxweynenimo Ee Dalka "The Head Of State"
Ugu Wareejinnaya Madaxweyne Dr Cabdiraxmaan Cirro, Md Muuse Biixi Cabdi Xil-diid Iyo Ku Xigeenkiisa Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Shirre "Saylici" Madaxweynihii Shannaad Iyo Madaxwayne Ku Xigeenkiisa, Kuwaasoo JSL Soo Hogaaminnayey Toddobaddii Sanno Ee U Dambeeyay.
Xafladda Xilka Wareejinta Madaxweynaha Lixaad Ee JSL Dr Cabdiraxmaan Cirro, Waxa Kasoo Qaybgallaya Wufuud Kala Duwan.
Wufuuddan Oo Isugu Jirra Dalalka Jamhuuriyadda La Jaarkaa, Ururro Caalamiya, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Jaamacadda Carabta, Urur-gobolleedka EGAD, Qaramadda Midoobay Iyo Dad Dunidda Magac Weyn Ku Leh, Isla-markaana Saaxiib Dhaw La Ah JSL.
Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cigaal Cabdiraxmaan Cirro, Madaxwaynaha JSL Iyo Madaxwayne Ku Xigeenka Ambassador Maxamed Cali Aw Cabdi Maxamuud, Ayaa La Doortay 13/11/2024, Waxayna Qaranka JSL Hogaamin Doonnaan Shanta Sanno Ee Soo Socda.
Madaxweynaha Lixaad Ee Qaranka Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cigaal Cabdiraxmaan Cirro Iyo Xigeenkiisa Ambassador Maxamed Cali Aw Cabdi Maxamuud, Ilaahay Ha Ku Asturo Xilka Culus Ee Shacabka Reer Somaliland Guud Ahaantood U Soo Garteen Hogaamintoodda Iyo Masiirkoodda Shanta Sanno Ee Soo Socda.
Himmilladdii Lixaad Ee Shacabka Reer Somaliland Oo Barri, Hadduu Alle Yidhaahdo Hir-galleysa.
Reer Somaliland Guul Iyo Gobonimmo Ku Waarra.
Khaddar Ali Khum Tifaftiraha Guud Ee Warbaahinta Caalamigaa Ee Qumannews.net Leave a comment |
|
Copyright © 2013 - 2025 Quman News All Rights Reserved. - Site Designed & Developed by Ileys Inc |
"Himmilladdii Lixaad Ee Shacabka Reer Somaliland Oo Barri, Hadduu Alle Yidhaahdo Hir-galleysa"
Hargeysa (QMN)- Barri Oo Ay Taariikh-du Tahay 12/12/2024, Waxa Xaruunta Qasriga Madaxtooyadda Ee Caasimadda Dalka Ee Hargeysa Ka Dhacaysa Laba Xafladdood Oo Isugu Jirra