Marwadda Madaxweynihii 2-aad Ee JSL Kaltuun Xaaji Daahir Cigaal Oo Xisbiga WADDANI Ugu Duceysay Innuu Hogaanka Alle Ku Guulleeyo Si Uu U Hirgaliyo Is-baddelka Uu Rabbo Innuu Dalka Sameeyo.

0
Sunday October 27, 2024 - 22:03:17 in by xasan siyoore
  • Visits: 194
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Marwadda Madaxweynihii 2-aad Ee JSL Kaltuun Xaaji Daahir Cigaal Oo Xisbiga WADDANI Ugu Duceysay Innuu Hogaanka Alle Ku Guulleeyo Si Uu U Hirgaliyo Is-baddelka Uu Rabbo Innuu Dalka Sameeyo.

    Hargeysa QMN)- Marwo Kaltuun Xaaji Daahir Cigaal, Marwadda Madaxweynihii 2-aad Ee JSL Marxuum Maxamed Xaaji

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa QMN)- Marwo Kaltuun Xaaji Daahir Cigaal, Marwadda Madaxweynihii 2-aad Ee JSL Marxuum Maxamed Xaaji
Ibraahim Cigaal, Ayaa Xisbiga WADDANI Ugu Duceysay Innuu Hogaanka JSL Innuu Alle Ku Guulleeyo Si Uu U Hirgaliyo Is-baddelka Uu Rabbo Innuu Dalka Sameeyo.

Marwo Kaltuun Xaaji Daahir Cigaal, Oo Maanta Goob Joog Ka Ahayd Dhoolla-tuskii Ololaha Doorashadda Ee Uu Xisbiga WADDANI Ka Sameeyey Fagaarraha Beerta Xorriyadda Ee Caasimadda Dalka Ee Hargeysa, Ayaa In Aannay Ka Mid Ahayn Dadkii Fartoodda Eedday. Balse Ay Ka Mid Tahay Kuwii Codkooga La Boobay Ee Xaga Kale Loo Leexiyey Doorashaddii Madaxtooyadda Ee 2017-kii Dalka Ka Dhacday, Waxaannay Tidhi Marwo Kaltuun Xaaji Daahir Cigaal, Marwadda Madaxweynihii 2-aad Ee JSL Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal "Maanta oo aan goob joog ka ahaa Fagaarihii Beerta Xorriyadda ee WADANI ku soo bandhigay Cudduda Taageerayaashiisa. 

WADDANI Waxaan Hortoodda iyo dabadoodaba dhigay Duco waxaan hayey, ALLA ha naga aqbalo.  Isbedel Dhab ah Guul iyo Gobanimo..."

"Anigu ma ihi kuwii Fartooda Eedday ee waxaan ahaa kuwii Codkooga la boobay ee xaga kale loo leexiyey,

22 Sanno ayaan Af-ka ka xidhnaa oo aan Indhaha uun ka eegaye in waxa Uurkayga ku jira Alle ii Aqbalo Aamiin ii dhaha”.

Marwo Kaltuun Xaaji Daahir Cigaal.
Marawaddii Madaxweynahii Hore Ee Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured