Dhacdo Cajiib Ah Oo Ku Lammaanayd Xil Wareejintii Labadda Agaasime Guud Ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL.

0
Thursday January 23, 2025 - 19:01:27 in by xasan siyoore
  • Visits: 191
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhacdo Cajiib Ah Oo Ku Lammaanayd Xil Wareejintii Labadda Agaasime Guud Ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL.

    Waxaa xilka agaasimaha wasaaradda caafimaadka la kala wareegaya Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye (midig) iyo Dr. Axmed Maxamuud

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa xilka agaasimaha wasaaradda caafimaadka la kala wareegaya Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye (midig) iyo Dr. Axmed Maxamuud
 Jaamac (bidix). 

Labadan nin ee isku wareejinaya xilka maanta wax u gaar ah baa jira oo cajab leh. Intii uu agaasimaha ahaa masuulka baxaya (Dr. Xergeeye) dhawr mar ayey isku dhaceen agaasimaha cusub. 

Agaasimha cusub (Dr. Axmed) waxa uu ahaa shaqaale ka tirsan isla wasaaraddan caafimaadka. Dad shaqaalaha kale ka mid ah oo ay Dr. Axmed isku dhaceen ayuu Dr. Xergeeye la kala saftay oo agaasimaha cusub ka hiiliyey. Waxa uu ka saaray booskii shaqo oo lagu beddelay qof kale. Hore Payroll-ka dawladda in uu galo ayaa xataa loo diiday. Ku dhawaad sannadkii u dambeeyey oo dhan mushaharka agaasimaha cusub indha muu saarin oo waa laga xannibay. Masaafo 5km u jirta goobta uu ka shaqeeyo agaasimaha cusub subax kasta wuu soo lugayn jiray maadaama laydhka iyo biyaha laga jaray oo wax uu bas iyo dhaweeyo ku raacaba waayey. 

Way badnaayeen ee dhacdooyinka halka ay u dhimatay waxa weeye; maalin maalmaha ka mid ah (intii aan doorasho iyo olole toona la gaadhin) ayuu maalin agaasimaha cusubi (Dr. Axmed) xafiiska ugu galay agaasimaha xilka wareejinaya (Dr. Xergeeye). Dr. Axmed wuxuu ku yidhi; Xergeeyow kursigaa aad ku fadhido baan saacaddaa laga bilaabo u socdaaye ninka kaala wareegayaa waa aniga! Xergeeye jawaabtiisu waxa ay noqotay; waxa aad samayn kartaba samee! 

Agaasimaha cusub waxa aan leeyahay; ha kibrin mudane maalmaha aad xafiiska joogto ee noqo mid dadka/shaqaalaha isku wada! 

FG. Xogtan oo aan in yar uun ka baahiyey waxa aan ka soo kala helay dad xogogaal u ahaa oo shaqaalaha wasaaradda ka tirsan.

W/Q:_Khadar Cabdi Cabdillaahi.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured