Doorashooyinka Somaliland iyo Xaaladda Siyaasada

0
Friday February 07, 2025 - 23:11:10 in by xasan siyoore
  • Visits: 101
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Doorashooyinka Somaliland iyo Xaaladda Siyaasada

    Maalmahan, baraha bulshada waxaa si weyn loogu baahinayaa boodhadh ay ku xardhan yihiin magacyada dad badan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maalmahan, baraha bulshada waxaa si weyn loogu baahinayaa boodhadh ay ku xardhan yihiin magacyada dad badan
oo shaaciyay inay u tartamayaan xildhibaanimada Golaha Wakiillada iyo xubinnimada golayaasha deegaanka. Arrintani waxay ku soo beegmaysaa xilli ay ka hadhsan tahay hal sano muddadii xileedka labadaas gole, taas oo u muuqata dhagax-dhigasho iyo tartan qabiil oo dhex maraya musharraxiinta iyo beelaha ay ka soo jeedaan.

Dhanka kale, ururrada u dooda doorashooyinka ayaa ku baaqaya in doorashooyinka lagu qabto waqtigooda, halka xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Somalilnd ay Madaxweynaha ka codsadeen in muddo-kordhin la sameeyo, iyagoo sabab uga dhigay duruufaha dalka ka jira oo ay u dambaysay doorashadii Madaxweynaha oo wali qoyan taasi oo dhaqaalah dalku uusan qaadi Karin doorasha kale . Xaaladdan ayaa xukuumadda cusub ku horgaynaysa caqabado waaweyn, waxaana muhiim noqonaysa sida ay u furfuri doonto xalinta arrimahan, maadaama ay saameyn ku yeelan karaan muddada xukunkeeda.

Dib-u-dhacyada doorashooyinka waa mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee hortaagan horumarka Somaliland. Golaha Guurtida oo muddo dheer fadhiya ayaan weli laheyn xeerkii lagu dooran lahaa, taas oo sii adkaynaysa jahawareerka siyaasadeed. Xalka keliya ee arrintan looga bixi karo waa in dib loo eego furista Dastuurka Somaliland, si loo helo dariiq sharci ah oo lagu xalliyo caqabadaha doorashooyinka, muddada xileedka hay’adaha, iyo habka awood-qaybsiga siyaasadeed.

Si guud, Somaliland waxay maanta u baahan tahay dib-u-eegis qoto dheer oo lagu sameeyo dastuurka si loo helo nidaam sharci ah oo suurtagelinaya in doorashooyinka la qabto waqtigooda, lagana fogaado madmadowga siyaasadeed ee soo noqnoqday.

Mohamud Askar


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured