"Xisbiga WADDANI Waa Xisbiga/Urrurka Ugu Astaan Culus Somaliland" Isxaaq Cabdillaahi

0
Monday October 28, 2024 - 22:57:05 in by xasan siyoore
  • Visits: 107
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Xisbiga WADDANI Waa Xisbiga/Urrurka Ugu Astaan Culus Somaliland" Isxaaq Cabdillaahi

    Astaantiisu iga gee maaha! Waa astaan aqoon, feker, iyo taxliilin ku fadhidda. Summadda Xisbiga WADDANI marka ay arkaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Astaantiisu iga gee maaha! Waa astaan aqoon, feker, iyo taxliilin ku fadhidda. Summadda Xisbiga WADDANI marka ay arkaan
shucuubta kale ee caalamka, si gaar ah maddaxdu waxa aan hubaa in ay hoosta ka xariiqayaan hoggaanka Xisbiga. Waayo, astaanta Xisbigu waxa ay ku fadhidaa ujeedo iyo macne fog. Xisbigu waxa uu summaddiisa u adeegsaday waa labba shay oo kala ah: Shimbirka Galaydhka/baaska iyo midabka Liimiga ah (Orange). Haddaba maxay ka dhigan yihiin labbadan shay? 

Haddii aynu sarifno, macnaha ku duugan waa sidan. Kow, shimbirka uu adeegsaday Xisbiga WADDANI waa shimbirka loo yaqaano Falcon (Galaydhka). Shimbirkani waxa uu caan ku yahay: awood, dulqaad, adkaysi, xawaare, aragti fog, hubsiimo, xornimo jacayl, madaxbanaani jacayl, iyo qorshe la hubo. Tan oo ka dhigtay mid si weyn ugu guulaysta ugaadhsigiisa heer loo bixiyay "Master of air". Kolkaa astaanta Xisbiga WADDANI  waxa ay muujinaysaa in uu xisbigu u taagan yahay: awood midaysan oo shacabka lagu jiheeyo, dulqaad ay u muujin doonaan masuuliyiintu bulshadda, adkaysi, xawaare dhanka horumarka ah oo uu xisbigu dalka u jiidayo, aragti iyo hiraal fog oo uu Dr.Cirro hormuud u yahay, hubsiimo la hubsado go'aamadda masiiriga ah, iyo qorshe qaran loo dhan yahay oo la hubo. 

Labba, midabka Liimiga ah ee xisbigu u qaatay summaddiisa waa mid aan ku cusbayn saaxadda summaddaha siyaasadda. Waxa aynu xasuusanaa kacaankii la magac baxay: "Orange revolution" ee dalka Ukraine (2004 - 2005) marka dhanka siyaasadda iyo dawladnimada la joogo midabkani waxa uu u taagan yahay: isbeddel doon, musuq-diid, dib u habayn, rejo soo celin, iyo dimuqraadiyad doon. Reer Ireland iyaguna waxa ay midabkan u adeegsadeen astaan wadajir iyo midnimo. Qof caqli badan oo siyaasadda wax ka aqaana weeye qofka astaanta xisbiga Waddani dejiyay. 

Somaliland, waa nal ka ifaya Geeska Afrika Alle ha ku sugo hoggaan u qalma. 

Saxane astaantiisu waa labba midab ee muxuu uga jeedaa?

~Isxaaq Cabdillaahi


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured