Guddoomiyaha KDQ Oo Kulan Gaar Ah La Yeeshay Kormeerayaasha Caalamiga Ah Ee Korjoogteynaya Habsami-u-socodka Doorashadda
Hargeysa (QMN)- Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka (KDQ) ee Somaliland, Md. Muuse Xasan Yuusuf,
ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Kormeerayaasha Caalamiga ah ee u yimid inay korjoogteeyaan habsami-u-socodka Doorashada Madaxtooyada iyo Xisbiyada Qaranka ee dhawaan ka dhici doonta dalka JSL. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xaqiijin lahaa in doorashadu u dhacdo si hufan, daahfurnaan leh, kana turjumaysa heerarka caalamiga ah ee doorashooyinka.
Intii uu kulanku socday, Guddoomiyaha KDQ ayaa faahfaahin ka bixiyay diyaar garowga doorashada iyo tallaabooyinka loo qaaday sugidda amniga iyo habsami-u-socodka doorashada guud ahaan. Kormeerayaasha Caalamiga ah ayaa dhinacooda ku adkeeyay muhiimada daahfurnaanta iyo cadaaladda doorashada, iyaga oo ballan qaaday inay si muuqata uga qayb qaadan doonaan kormeerka doorashada, si ay u taageeraan dadaallada lagu xaqiijinayo hufnaanta Doorashooyinka 13 November 2024. Leave a comment |
|
Copyright © 2013 - 2024 Quman News All Rights Reserved. - Site Designed & Developed by Ileys Inc |