Dr Cabdiraxmaan Cirro, Madaxwaynaha JSL Oo Kulan Deg-dega Ah Isugu Yeedhay Madaxweyneyaashii Iyo Madaxwayne Ku Xigeennaddii Hore Ee Dalka Soo Maray.

0
Friday December 27, 2024 - 17:44:19 in by xasan siyoore
  • Visits: 94
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dr Cabdiraxmaan Cirro, Madaxwaynaha JSL Oo Kulan Deg-dega Ah Isugu Yeedhay Madaxweyneyaashii Iyo Madaxwayne Ku Xigeennaddii Hore Ee Dalka Soo Maray.

    Hargeysa (QMN)- Madaxwaynaha JSL Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Inna Cirro), Ayaa Oo Kulan Deg-dega Ah Isugu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (QMN)- Madaxwaynaha JSL Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Inna Cirro), Ayaa Oo Kulan Deg-dega Ah Isugu
 Yeedhay Madaxweyneyaashii Iyo Madaxwayne Ku Xigeennaddii Hore Ee Dalka Soo Maray.

Sidda Lagu Sheegay War-saxaafaddeed, Kasoo Baxay Xaruunta Qasriga Madaxtooyadda Dalka, Isla-markaana Uu Saxeexan Yahay Afhayeenka Gaarka Ah Madaxweynaha JSL Xuseen Aadan Cige (Deyr), Ayuu Madaxweynuhu Wadda Tashi Kala Yeeshay Madaxweyneyaashii Iyo Madaxwayne Ku Xigeennaddii Hore Ee Dalka Soo Maray Xaaladda Guud Ee Dalka Ku Jirro Wakhtigan, Gaar Ahaan Xasuuqa Ka Dhacay Deegaanka DACA-WALLEY.

War-saxaafaddeed, Kasoo Baxay Xaruunta Qasriga Madaxtooyadda Ee Dalka Looga Talliyo, Ayaa Siddan Lagu Yidhi "Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo uu weheliyo Madaxweyne-ku-xigeenka Jam. Somaliland Maxamed Cali Aw Cabdi  waxaa uu maanta kulan wada tashi ah la yeeshay Madaxweynayaashii iyo Madaxweyne-ku-xigeenadii hore ee Qaranka Somaliland . 

Madaxweynuhu, Madaxweynayaasha iyo Madaxweyne-ku-xigeenada uu kulanka wada tashiga ah la yeeshay waxaa ka mid ahaa: 

1. Madaxweynihii 5-aad  ee Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi,
2. Madaxweynihii 3-aad ee Somaliland Mudane Daahir Riyaale Kaahin, 
3. Madaxweyne-ku-xigeenkii 3-aad  Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin,
4. Madaxweyne-ku-xigeenkii 2-aad Mudane Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax. 

Dhanka kale, waxaa isna kulanka qayb ka ahaa Madaxweyne-ku-xigeenkii 4-aad iyo 5-aad Mudane Cabdiraxman Cabdilaahi Ismaciil (Saylici) laakiin kulanka ka maqnaa hooyadii oo Boorama ku geeriyootay awgeed, taasoo ay Madaxweynayaasha iyo Madaxweyne-ku-xigeenadu ay si wada jir ah uga tacsiyadeeyeen geeridaa ku timid. 

Sidoo kale, kulanka waxa isaguna qeyb ka ahaa Guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiiladda Somaliland Mudane Baashe Maxamed Faarax. waxaa kulanka wada-tashiga ah qeyb ka ahaa balse xaalado caafimaad uga maqnaa Madaxweyne-ku-xigeenkii 1-aad ee Somaliland Mudane Xasan Ciise Jaamac, waxana ay si wada jir ah Alle uga baryeen in uu caafimaad taam ah siiyo. 

Arrimaha mihiimka ah ee uu Madaxweynuhu kala hadley Madaxweynayaashii iyo ku-xigeenadii hore ayaa ahaa wada-tashi la xidhiidha xaaladaha hadda taagan ee mihiimadda iyo mudnaanta gaarka ah u leh Qaranka Jamhuuriyada Somaliland . 

Guntii iyo gaba-gabadii, Isku-xidhnaanta Madaxda Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ay xilli walba kaga arrinsadaan Xaaladaha dalku waa towfiiqda iyo talo-waaga ay Jamhuuriyadda Somaliland kaga duwan tahay Soomaalida kale. Kulankooduna waxa uu ummadda Jamhuuriyadda Somaliland u yahay ISHAARO-SAN iyo YIDIDIILO ah dhinaca adkaynta Qarannimada iyo wadajirka ummadda Jamhuuriyada Somaliland. 

ALLAA MAHAD LEH"


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Featured