Hargeysa (QMN)- Fadhigii 7-aad ee Shirka Golaha Wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland oo Shir-gudoominaayey Madaxweynaha
Jamhuuriyada Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cabdiraxmaan Cirro uu weheliyo Madaxweyne ku xigeenku Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa ka qabsoomay Xarunta Qasriga Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.
Ajandaha Shirka Golaha Wasiirrada ee maanta ayaa ka koobnaa arimo door ah oo mudnaan u leh dalka iyo dadka .
Ugu horeyn Goluhu waxaa uu war bixin ka dhegaystay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha Iyo Amniga Qaranka, kaas oo sheegay in xaaladda guud ee dalku ay tahay mid degan oo nabad ah.
Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa Golaha uga xog-waramey xaaladda dhaqaale ee dalka, dardar galinta cashuur ururinta iyo kobcinta dakhliga dalka.
Wasiirka Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaaluhu isaga oo ka hadlaya sida uu u fulay qorshaha midaynta dakhliga Qaranka wuxaa uu ku ammaanay Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda oo soo wareejisay dakhliyadii kala duwanaa, isla markaana soo xaraysay dakhlihii ay qabatay laga soo bilaabo January 1st, 2025.
Sidoo kale, waxa ay Wasaaradda Duulistu hirgalisay qaab u suurto-galinaya Wasaaradda Maaliyaddu inay la socoto xogta adeegyada dakhli qabasho ee madaarka, kana dhigaysa dakhliga madaarka mid banyaal ah (transparent).
Leave a comment |
|
Copyright © 2013 - 2025 Quman News All Rights Reserved. - Site Designed & Developed by Ileys Inc |
Hargeysa (QMN)- Fadhigii 7-aad ee Shirka Golaha Wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland oo Shir-gudoominaayey Madaxweynaha