Qoddobo Kasoo Baxay Shirka 7-aad Ee Golaha Wasiirradda Xukuumadda JSL.
Hargeysa (QMN)- Qoddabadan ayaa ka soo baxay Shirkii Golaha Wasiirada Somaliland oo Maanta qabsoomay ;
1. Shaqaalaha Ku meel gaadhka ah ee Wasaaraddaha iyo Ha’yaadaha Dawliga ah kuwaas oo Madaxweynahu xal u helistooda u saarey Guddi Wasiiro ah oo ka kooban Lix Wasiir.
2. Warbixin ku Saabsan Difaaca Dalka iyo Qorshayaasha Wasaaradda Gaashandhiga oo uu Golaha u soo jeediyey Wasiirka Gaashandhiga iyo Difaaca Qaranka JSL.
3. War bixin ku saabsan Xeerarka ka gudbay Xukuumadii hore iyo Mushaariic-da sharci ee horyaala Golaha Wakiillada waxa soo jeediyey Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arimaha Dastuurka.
4. Warbixinta Wasaarada Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha oo uu soo jeediyey Wasiirka Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadahu taas oo ku saabsan kormeerka Warshadaha dalka.
5. Warbixinta Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo Safarro shaqo oo uu Wasiirku ugu baxay Gobalada dalka si uu ugu kuur galo baahiyaha adeega caafimaadka ee ka jira guud ahaan dalka, gaar ahaan xaaladda ay ku sugan yihiin cisbitaalada dalka.
6. Warbixinta ku saabsan Xaaladaha Waxbarasho ee dalka, baahiyaha aas aasiga ah ee jira, Siyaasadda Waxbarashada JSL iyo safaro uu ku tagay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Barbaarinta iyo Sayniska gobalada Saaxil iyo Togdheer Leave a comment |
|
Copyright © 2013 - 2025 Quman News All Rights Reserved. - Site Designed & Developed by Ileys Inc |
Qoddobo Kasoo Baxay Shirka 7-aad Ee Golaha Wasiirradda Xukuumadda JSL.
Hargeysa (QMN)- Qoddabadan ayaa ka soo baxay Shirkii Golaha Wasiirada Somaliland oo Maanta qabsoomay ;