![]() Waxaa Qoray Garyaqaan Guleed Dafac
Booliiska Somaliland ma yaqaaniin, lama barin, madaxdiisuna ma doonayso in la baro, sida loo mareeyo marka shacab cadhaysani
soo baxo. Waxa qudha ay ku hallilaan waa xabad lagu rido qof shacab ah oo aan sidan hub. Booliiska Somaliland dib u habayn bay u baahan yihiin. Way la fududahay laynta shacabku.
Maanta oo ay xukuumaddu joogto dhawr bilood oo keliya, haddii ay daadiyeen dhiig dad shacab ah, saw maaha in xukuumaddu ku baraarugto oo wax ka qabato booliiska? 27 December 2022 wixii Booliisku ka sameeyey Laascaanood ayaa gaadhsiisay halka xaalku markii danbe gaadhay.
Maanta waxa Burco ka dhacay waa wax laga hortegi karayay. Xukuumaddu waa inay dadka la hadasho oo u faahfaahiso talaabooyinka ay qaadayso. Waxa ay ahayd inay si fiican u sharaxdo maxaabiistii ay ku wareejisay Puntland. Xog xumadii halkaas ka dhacday ayaa abuurtay shaki, iyo aamin ka bax. Waxa Burco ka dhacayaa maanta waa shakigii halkaas ka bilaabmay.
Maanta, masuuliyiintii xukuumadda ee hadlay halkii ay faah-faahin ka bixin lahaayeen oo garaabi lahaayeen, shacabkii ayay hiifeen.
Waan ka xumahay dadka dhibtu ku soo gaadhay Burco. Waa in cidi qaaddo masuuliyadda wixii dhacay. Xisaab la’aan ayaa Somaliland ishaa u yeeshay. Leave a comment |
|
Copyright © 2013 - 2025 Quman News All Rights Reserved. - Site Designed & Developed by Ileys Inc |
Waxaa Qoray Garyaqaan Guleed Dafac
Booliiska Somaliland ma yaqaaniin, lama barin, madaxdiisuna ma doonayso in la baro, sida loo mareeyo marka shacab cadhaysani