![]() Aqoonyahan Maxamed Yuusuf Amare oo ka mid ah haldoorka jaaliyadda Somaliland ee Canada, ayaa khudbad
Aqoonyahan Maxamed Yuusuf Amare oo ka mid ah haldoorka jaaliyadda Somaliland ee Canada, ayaa khudbad
uu ka jeediyay xaflad lagu xusayay sannad guurada 34aad ee ka soo wareegtay dib ula soo noqoshada madaxbannaanida Somaliland ee lagu qabtay magaalada Toronto.
Aqoon yahan Maxamed Yuusuf Amarre wuxuu jaaliyadda Somaliland es Canada uu ugu baaqay inay midnimo iyo wadajir uga shaqeeyaan danaha guud ee dalka, isla markaana ay u midoobaan sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen iskaashigooda.
Sidoo kale Mr. Amarre wuxuu sheegay in qurbajoogu iyagoo kala taageersan xisbiyada qaranka ay haddana wadajir uga wada shaqeyn karaan horumarinta dalkooda.
Yuusuf Nuur Amarre waxa kaloo uu ka hadlay taariikhda iyo muhiimada maalinta 18ka May. Waxaanay khudbadiisu u qornayd sidan:-
1. Xuska May
Ugu horrayn Ilaahay baa mahad leh isugu keen keenay munaasibaddan quruxda badan in aan
xusno sannad guurada 34aad ee ka soo wareegtay dib ula soo noqoshada madaxbannaanida
Jamhuuriyadda Somaliland. 18 May waa maalin qaran oo qayb ka weyn ka ah taariikhda
dalkeenna Jamhuuriyadda Somaliland.
Waa maalin inna midaysa, cadawga Somaliland na uu ka
naxo marka aan u debbaal degayno gudiyo dibad ba. Waxaan hambalyo u dirayaa guud ahaan
shacabka Somaliland gude iyo dibad ba xuska munaasibaddan qaaliga ah awgeed.
Waxaan u mahad celinayaa jaalliyadda Somaliland ee Toronto gaar ahaan Guddida iyo xubnaha
Ururka SOLYO ee ka soo shaqeeyay qabsoomidda munaasibaddan quruxda badan, waxaan sidoo
kale idiin ka mahad celinayaa soo dhawaynta diirran ee aad anigana iigu samayseen Toronto.
Sida aan ognahay wakhti dheer qurba-jooggu kaalin weyn ayay kaga jiraan dhismaha iyo
dhaqaalaha dalkeenna.
Waxay dalka usoo diraan xawaalad lagu qiyaaso in ka badan bilyan
sannadkii oo boqolkiiba afartan (40%+) ka ah dhaqaalaha guud ama waxaa loo yaqaanno GDPga dalka. Xawaaladdu waa halka ugu weyn ee aan ka hello lacagta adag ee soo raacda dhoofka
xoolaha Somaliland. Qurba-jooggu waxay kaalin weyn ka soo qaateen halgankii dalka dib loogu
xoreeyay iyo dib u dhiskii dalkii cadawgu innaga burburiyay oo maanta aad arkaysaan sida ay u
dhismeen magaalooyinka Somaliland oo dhami. Qurba-jooggu waxay qayb weyn ka yihiin
maalgashiga dalka oo warshado yaryar qaarkood iyo ganacsiyo badan oo hudheellada casriga ahi
ka mid yihiin ay maalgashadeen dhammaan magaalooyinka.
2. Doorka Qurba-joogga ee Dalka
Xilliga adag, qurba-jooggu waa gurmad iyo gargaar aan ku xisaabtanno. Adeegyo badan oo
bulsho oo dugsiyo waxbarasho iyo cisbitaallaba leh ayay qurba-jooggu ka soo dhiseen dalka.
Dhinaca siyaasadda, qurba-joogga Somaliland waa danjirayaasha iib geeya qadiyadda
Jamhuuriyadda Somaliland, waxay door ku leeyihiin dadaallada aqoonsi raadinta, saaxiibada
Somaliland in badan ayaa ku timi xidhiidhka iyo saaxiibtinimada qurba-joogga ee dalalka ay
joogaan. Xagga dhaqanka iyo taariikhda dalka, qabashada munaasibaddahan quruxda badan
ee xuska 18 May iyo 26ka June ee daafaha caalamka ka wada dhacaya maanta wax sahlan
maaha, faa’iidooyin ayaan la soo koobi karin haddii ay tahay kaydinta taariikhda, barbaarinta
ubadka, xoojinta midnimada iyo qiyamka aan wadaagno iyo sidoo kale in aan caalamka
xasuusinno in aan dal jira nahay iyo dad wax qabsanaya, Way jiraan shakhsiyaad waxma
tarayaal ah oo fidmo-wadayaal ah oo aan wanaaggu deeqin, waxaana muhiim ah in kuwa
noocaas farta lagu fiiqo oo aan loo nisbaynin magaca guud ee qurba-joogga
3. Dedaalka Innala Gudboon
Waxaynu caawa u dabbaal degaynaa 34-sano oo guulo waxqabad iyo horumar ah, nabadgelyo
ah, dimuqraadiyad ah, wadajir iyo isku duubni ah shacabka Somaliland, iyo sidoo kale in aan
xoojinno dadaalkeenna iyo waxwada qabsiga qabsiga dhexdeenna.
Qurba-joogga waxaa looga baahan yahay inuu ka muuqdo dhaqamada ilbaxnimada iyo cilmigu
ku dheehan yahay ee shucuubta dalalkan horumaray ee aad ku nooshihiin oo aan la odhanin kala
qaybsanaan iyo qabyaalad baa ka jirta qurbaha, waa ceeb arrintaasi. Waxaa la idiin ka baahan
yahay inaad xoojisaan wadajirkiinna iyo iskaashigiinna oo si xooggan usoo maalgashataan
fursadaha dihin ee ka jira dalkiinna Somaliland.
Waxaad fursad weyn innoo ah siyaasadda
xukuumadda cusub ee dalka ka dhalatay ee Waxqabad iyo Wadajir ee uu gadhwadeenka ka
yahay Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi taasoo sidii ku taallay barnaamijkiisii
ololaha qorshe weyni uga yaallo arrimaha qurba-joogga iyo sida loo xoojinayo kaalinta ay kaga
jiraan horumarka qaranka, waxaa loo baahan yahay innaga oo kala xisbiyo ah, in aynu hadana la
jaanqaadno siyaasadda xukuumadda cusub oo aan gacmaha is qabsanno meel walba.
4. Doorashooyinka iyo Axsaabta Qaranka
Had iyo goor kaalin weyn ayay qurba-jooggu ka qaataan dhismaha iyo jiritaanka xisbiyada iyo
arrimaha doorashooyinkaba.
Waxaynu ka midaysan nahay afkaarta qaranimo iyo magaca
Somaliland ee calankaas tawxiidka leh, waana dimuqraaddiyad iyo dhaqan maamul wanaag in aan
lahaanno, kala taageersananaanaa axsaabta ka jirta dalka, Waxaan se idin ku waaninayaa inaad
ka feejignaataan inaad si khaldan u adeegsataan arrimaha siyaasadda axsaabta oo aan lagu
celin xisbinimada dhaqankii beelaha iyo qabyaaladdii aan ka soo guurray ee aan ka samaysannay
axsaabta.
Waxaan rajaynaynaa inay xilligeeda ku qabsoomaan doorashooyinkii baarlamaanka
iyo goleyaasha deegaanka, oo aniga laftaydu aan ka mid ahay musharrixiinta u tartami doona
golaha wakiillada, taageerada xooggan ee qurba-jooggana aan u baahan nahay Canada iyo dalalka
kaleba ee qurba-joogga Somaliland ku nool yihiin.
Waxaan rajaynayaa inay noqon doonto
doorashadii koowaad ee aan ugu yaraan intooda badan ku dooranno dadka innala metelaya
Afkaar, barnaamij iyo waxqabad oo taas ku qiimaynno qofka aan dooranayno iyo xisbiga aan
taageeraynaba, oo aynaan waxba ku qiimayn qabyaalad, xisbina aynaan u taageerin reerkayagaa
hebel baa hoggaaminaya iyo nin jeclaysi.
Ugu dambayntii, waxaa loo baahan yahay in aan dhammaanteen dabbaqno halku-dhegga loo
qaatay sannadkan Xuska 18 May 2025 ee ah "Gacmo Wada Jiraa Guul Lagu Hantaa." Leave a comment |
|
Copyright © 2013 - 2025 Quman News All Rights Reserved. - Site Designed & Developed by Ileys Inc |
Aqoonyahan Maxamed Yuusuf Amare oo ka mid ah haldoorka jaaliyadda Somaliland ee Canada, ayaa khudbad
Aqoonyahan Maxamed Yuusuf Amare oo ka mid ah haldoorka jaaliyadda Somaliland ee Canada, ayaa khudbad