![]() Madaxweynaha JSL Oo Si Nabadda Dalka Dib Ugu Soo Laabtay, Kaddib Safar Shaqo Oo Uu Saddex Maalmood Ugu Maqnaa Dalka Djibouti.
Hargeysa (QMN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Inna Cirro), Ayaa Si Nabadda
Dalka Dib Ugu Soo Laabtay, Kaddib Safar Shaqo Oo Uu Saddex Maalmood Ugu Maqnaa Dalka Djibouti.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dr Cabdiraxmaan Cirro Oo Hogaminayey Wefti Heerkiisu Sareeyo, Ayaa Booqasho Rasmiya Ku Tagay Dalka Jabuuti, Kaddib Markii Uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti Md Ismaaciil Cumar Geelle Casuumad Rasmiya U Soo Diray.
Dr Cabdiraxmaan Cirro, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Ayaa Dhigiisa Ismaaciil Cumar Geelle Kulammo Gaar Ah La Yeeshay, Iyaddoo Ay Jamhuuriyadda Somaliland Iyo Jamhuuriyadda Djibouti Ay Wadda Gaadheen Heshiis-yo Waa Weyn, Kuwaasoo Isugu Jira Amaanka, Dhaqaalaha Iyo In Labadda Dalka Ay Si Rasmiya U Soo Celiyaan Walaalnimaddooddii.
Madaxweyne Geelle, Ayaa Dhigiisa Dr Cabdiraxmaan Cirro Dalkiisa Si Weyn Ugu Soo Dhaweeyey, Waxaanna Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Uu Kulammo Kala Duwan La Yeeshay Safiiradda Dalka Djibouti U Dalalkoodda, Iyaddoo Madaxweyne Cirro Uu Si Gaar Ah Ula Kulmay Jaaliyadda Reer Somaliland Ee Ku Dhaqan Dalka Djibouti.
Ugu Dambayn. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Iyo Weftigiisa Waxa Si Diirran Ugu Dhaeeyey Maddaarka Caalamigaa Ee Caasimadda Hargeysa Masuuliyiin Kala Duwan Oo Isugu Jira Xukuumaddiisa Iyo Golleyaasha Baarlamaanka Dalka. Leave a comment |
|
Copyright © 2013 - 2025 Quman News All Rights Reserved. - Site Designed & Developed by Ileys Inc |
Madaxweynaha JSL Oo Si Nabadda Dalka Dib Ugu Soo Laabtay, Kaddib Safar Shaqo Oo Uu Saddex Maalmood Ugu Maqnaa Dalka Djibouti.
Hargeysa (QMN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Inna Cirro), Ayaa Si Nabadda